Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey tiradda rasmiga ah ee iska diwaangalisay inay codbixin karaan, taas oo noqotay wadarta guud ee tiradda codbixiyeyaasha toddoba boqol , afar kun iyo sagaal iyo sdeetan qof (704,089).
Guddida doorashooyinka ayaa shaaciyey dadka iska diwaangaliyey degmooyinka iyo goboladda Somaliland ka kooban tahay, waxaanay kala yihiin...
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan fatahaadda uu inta badan sameeyo Wabiga Shabeelle.
Wuxuu sheegay arrintan in ay iskala shaqeyn doonaan Wasaaradaha maamul goboleedyada ee mataanaha la ah Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka.
Sidoo...
Amniga Magaalada Muqdisho oo ay ka Hadashey Wasaaradda Amnigu iyadoo sheegtey in lasii adkeyn doono.
Wasaaradda amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu soo hagaagayo amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ay ugu baaqday shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Maxamuud Sayid Carab ayaa sheegay in howl galada xasilinta ee ka socday magaalada Muqdisho uu suura geliyay in hubkii cuslaa ee...
Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay isaga iyo ku xigeenkiisa Kalonzo Musioka in ay ka hareen tartanka doorashada Madaxweynaha ee dhammaadka bishan.
Wuxuu sheegay in dalabaadkooda aan la aqbalin kaddib go’aankii maxkamadda ee ay ku laashay doorashadii bishii August.
Isbeheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa dalbaday in qaar ka mid...
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa kulan la yeeshay Safiirka Safaaradda dalka Qadar ee Soomaaliya Danjire Hassan Bin Hamza Asad, kulankaas ayaa ka dhacay Xarrunta Safaaradda dalka Qadar ee Magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa looga hadlayay qodobo dhowr ah oo ku saabsan heshiisyadii u dhexeeyay...
Koox hubeysan ayaa goor la sheegay in ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa Jaaamacadda Farsamada (The Technical University of Mombasa) oo ku taalla Deegaanka Xeebta leh ee Kwale.
Booliska iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay Labo Haween ah oo ka tirsanaa shaqaalaha Jaamacadda, iyadoo Labo Askari, Darewal...
Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Aadan Maalin ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil, kaddib markii rasaas lagu furay gaari uu la socday.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa arrintan ku eedeeyay in uu ka danbeeyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku amar ku bixiyay...
Qaybo ka mid ah gobolka California ee dalka Maraykanka ayuu ka kacay dab si xawli ah ku faafaya oo dilay ugu yaraan 10 ruux.
Daad gurayn baaxad leh ayaa la sameeyay, ugu yaraan 1,500 oo dhismana way ku burbureen, toddobo ruuxna waxay ku dhinteen deegaanka Sonoma, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Dad...
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa sheegay in dhawaan uu bilaaban doono howlgal ka dhan ah Ururka Al-shabaab kaasoo looga saarayo sida uu hadalka u dhigay guud ahaanba dalka.
Taliyaha ayaa sheegay in wixii xiligan ka danbeeya aysan jiri doonin in laga gaabiyo waajibaadka ciidamada...
Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Shabeellaha hoosee Cali Nuure Maxamed ayaa sheegay in Afar ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab shalay gelinkii dambe lagu dilay wadada xiriirisa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Laanta Buuro.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in raggan ay ciidamada dileen dhowr jeer oo hore dilal ka geysteen deegaanno...

















