Gobolka SH/Hoose Hawl Gal ka Dhacey oo la sheegey in lagu Diley Afar Ruux Shabaab loo Maleynayo.

0
453

 

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Shabeellaha hoosee Cali Nuure Maxamed ayaa sheegay in Afar ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab shalay gelinkii dambe lagu dilay wadada xiriirisa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Laanta Buuro.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in raggan ay ciidamada dileen dhowr jeer oo hore dilal ka geysteen deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose.

‘’Al-shabaab dadka waxaa ay isaga dilaan sabab la’aan, sidaa daraadeed Annaga waxaa ay mas’uuliyad naga saartan tahay ilaalinta Amniga, waa uu sii socon doonaa howlgalka noocaan ah’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay dardar geliso hawlgalada amni ee gobolka Shabeellaha Hoose, lana kordhiyo tirada Ciidamada.

warsom2011@gmail.com