Keymo ku yaal Gobolka California ee Dalka Mareykanka oo Dab Xoogan ka Kacey iyadoon Sababta Dabka la ogeyn.

0
492

 

Qaybo ka mid ah gobolka California ee dalka Maraykanka ayuu ka kacay dab si xawli ah ku faafaya oo dilay ugu yaraan 10 ruux.

Daad gurayn baaxad leh ayaa la sameeyay, ugu yaraan 1,500 oo dhismana way ku burbureen, toddobo ruuxna waxay ku dhinteen deegaanka Sonoma, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Dad lagu qiyaasay 20,000 ayaa isaga qaxay deegannada Napa, Sonoma iyo Yuba, ka dib markii gobolkaasi uu qabsaday mid ka mid ah dababkii ugu xumaa ee soo mara.

Badhasaabka gobolka California ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

“Dabkan ayaa burburiyay dhismeyaal walina halis ku sii haya kumannaan guryo, taas oo daruuri ka dhigaysa in kumannaan dad ah la daad gureeyo,” ayaa lagu sheegay baaqa badhasaabka.

warsom2011@gmail.com