Monday, August 31, 2026
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, kaddib markii wasaaraddu ku guuleysatay in ay dib u soo ceshato xubinnimada buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay...
Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa xalay Howlgal gaar ah waxaa ay ka sameeyeen xaafaddaha ku teedsan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. Ciidamada oo Howlgalkooda uu qaatay saacado badan ayaa waxa ay si gaar ah uga wadeen agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, halkaasi oo habeen ka hor lagu dilay...
  Ra;iisal wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa u qabtay muddo shan maamood gudahooda in uu hogaamiyaha Catalonia ku kala caddeeyo in uu ku dhawaaqay madaxbanaani iyo in kale. Haddii hogaamiyaha Catalonia Carles Puigdemont uu xaqiijiyo ilaa isniinta in uu ku dhawaaqay madaxbanaani ayaa waxa hadana la siinayaa muddo seddex maalmood...
Guddiga Doorashada ee dalka Kenya ayaa waxay shaaca ka qaadeen in doorashada loo balansan yahay in ay dalka ka dhacdo 26 bishan ay sii socon doonto,iyada oo ay jirto in Raila Odinga uu tartanka isaga baxay. Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in dhamaan 8 musharax ee ka qayb galay doorashadii...
War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadda shaqeyn iyo midnimo, waxaana warsxaafadeedka madaxweynuhu u muuqday mid lagu soo beegay kaddib shirka Kismaayo ugu soo dhamaaday madaxda dowlad gobolleedyada dalka. “Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u...
Ra’iisal wasaaradaha xukuumada Soomaaliya oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusiyay maalinta calanka ayaa si kulul uga hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka. Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaaraha in Umadda Soomaaliyeed ay u bidhaantay rajo iyo iftiin muddo dheer ay sugayeen sidaa daraadeed qofna laga yeeli doonin sida uu hadalka...
                        Shir wadatashi ah oo madaxda dowlad goboleedyada dalka maalmihii u danbeeyay uga socday magaalada Kismaayo ayaa maanta lasoo gabagabeeyay ayadoo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban ilaa 16 Qodob. War murtiyeedka shirka ayaa u qornaa sidan; Shir wada tashi ah oo socday mudadii u dhexeeysay 08-10-2017, laguna qabtay magaala madaxda...
                        Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyey xaflad lagu xusayey Maalinta Dhimirka Adduunka oo ku beegneyd Shalay (09 October 2017)  taasoo lagu qabtay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar. Xafladaas oo uu soo diyaariyey Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen:...
  Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya mudnaanta koowaad siineyso arrimaha dib-u-heshiisiinta. Wasiir Juxa ayaa sheegay in wax yaabaha leysku hayo yihiin kuwo kala gadisan laakiin guud ahaan marka la eego u baahan in laga wada hadlo si leyskula meel...
Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deeaan u dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe. Saldhiga ciidamada dowladda ee weerarka lagu qaaday ayaa ku yaala waddada isku xirta Balcad iyo degmada Afgooye, gaar ahaan deegaanka Basra galbeedka ka...