Tuesday, August 18, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wararka ka imaanaya magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in maanta uu xilkii iska casilay Duqii maamulka magaalada Diridhabe Ibraahim Cismaan. Ibraahim Cismaan ayaa waraaqda is casilaadda u gudbiyay Xubnaha Golaha Kaabineetka ee ismaamulka Diridhabe oo galinkii hore ee maanta shir degdeg ah isugu yimid. Haddaba Xubnaha Golaha Kaabineetka ee ismaamulka Diridhabe ayaa...
Kulan ay yeesheen guddiga joogtada golaha aqalka sare BFS oo uu Shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Aqalka sare Baarlamaanka Wuxuuna ajandahu ahaa Katashiga Furitaanka kalfadhiga 5aad ee aqalka Sare, ka doodista iyo Ansixinta qorshe howleedka kalfadhiga 5aad ee golaha . Kulanka oo saacado qaatay ayaa markii uu soo gabogaboobay waxaa warbaahinta...
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, oo maanta kormeeeray xarumaha wasaaradaha Jubaland ee arrimahha gudaha, maaliyadda, Dalxiiska, kalluumaysiga, xanaanada xoolaha, Hawlaha Guud iyo Dastuurka, ayaa sheegay in yagleelidda qorsha shaqo oo dadka oo dhan u adeegaya uu muhiim u yahay mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed iyo wada shaqaynta dawladda federaalka...
Kooxda is abaabushay ee la magac baxday Macawisley ayaa xalay weerartay fariisimo ay ururka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka tirsan degmada Cadale. Iskahorimaad xoog leh ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaankaas iyadoo saacado uu qaatay dagaalka halkaa ka dhacay. Wararka ayaa sheegaya in iskahorimaadkan uu ka...
Dad aad utiro badan ayaa maanta isugu tagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kuwaa oo isugu jiray masuuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland, ururrada bulshada rayidka ah iyo ardeyda wax ka barata Iskuulaadka magaalada, ayadoo dadkan ay u tageen halkaasi si ay usoo dhaweeyaan wafdi uu horkacayo raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan...
Doodan oo ay qayb ka ahaayeen Xildhibaan Fowzia Yusuf Xaaji Adan cilmi wasiirkii hore wasaaradda Arimaha dibadda, Dr. Abdirahman M. Abdullahi (Baadiyow)- aqooyahan, qoraa, Robert Kluijver Macalin ka tirsan Paris Institute of Political Studies: Sciences Pro, Jaamacadda SIU-na cashiro ka bixiya. Waxaa doodda dadkii ka qeybgalay ka mid aha Dr Ahmed Cali...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu amray in laga guuro xaruntii Ciidamada Badda Ex Mariino & Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda oo ku yaalla degmada CabdulCasiis ee Gobolka Banaadir. Eng Yarisow ayaa sheegay in markii uu...
War ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in 19 ka mid ah shaqaalaheeda ay ku dhinteen burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee bur burtay maalintii shalay. Hay’adda cunada aduunka ee WFP ayaa waxaa shilka diyaaradeed uga dhintay 7 ka mid ah shaqaalaheeda, xafiiska qaxootiga UNHCR Labo shaqaale ah ayaa...
Mudane Xasan Cali Khayre, Raysul wasaaraha dalka ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro magaalada Kismaayo, kadib mudo dheer oo laga sugayay in uu yimaado Kismaayo.   Raysul wasaaraha oo ay laba maalin kahor kasoo hormareen ilaaladiiisa iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska Raysul wasaaraha ayaa baaqday labadii maalmood...
Madaxda shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa goor dhaw ku dhawaaqay dalalka ay ka soo jeedaan dadkii la socday diyaaradii burburtay oo la sheegay in gabi ahaanba ay dhinteen. Dadka ku dhintay diyaarada ayaa gaaraya 157 ruux , waxaana ka mid ahaa liiska la shaaciyay qof Soomaali ah oo ku jiray...