Friday, September 29, 2023
Home facebook.com Wararka Caalamka

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maantay 5 sano oo xabsi ciidan ah ku ridday odayaal dhaqameed Alshabaab heshiis kula soo galay degmada Xarardheere ee g0bolka Mudug. Odayaashaan ayay ciidamada amniga Cadaado kasoo xireen December 27-keedii ee Sanadkii tagay, kaddib markii ay jebiyeen amar dowladda kasoo baxay oo ahaa...
Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Waxaa ka socda Maalintii Saddexaad Shirka Madasha Wada-tashiga QARAN ee loooga hadlayo Arrimaha doorashooyinka, iyadoo ay jiraan qodobbo weli la isku mari la’yahay. Kulankan oo u dhexeeya madaxda Dowladda Somalia iyo kuwa Maamullada ka jira dalka, ayaa maalmihii hore looga hadlay Amaanka iyo sidii...
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya  Xassan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay guddiga gurmadka abaaraha, waxana ay si gaar ah uga wada hadleen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee saameynta ballaaran ay ku yeesheen abaaraha. Kulankan oo ay guddida gurmadka abaaraha ugu warbixiyeen ra’iisul wasaaraha waxaa...
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dawladdiisu bilaabayso mashruuca dhismaha dekadda Hobyo ee gobolka Mudug. Wasiirka ayaa qorshaha billaabidda mashruucaan ka sheegay kulan gaar ah oo ay wada qaateen ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane...
-Dowladda Shiinaha ayaa dhaqaalle gaaraya $1.2 milyan oo doolar ugu deeqay howlgalka midowga africa AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana amaantay doorka ciidammada ee nabada soo celinta. Dowladda Shiinaha ayaa ciidammada AMISOM ku tilmaamtay in ay u joogaan Soomaaliya siddii ay soo celin lahaayeen ammnigii iyo kala danbeyntii dalka, siddaa...
Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyada dilkii loo gaystay xalay 4 qof oo Itoobiyaan ah,sida lugu baahiyay bog taageerra kooxda. Dilkan ayaa habeenkii Isniinta ka dhacay xaafadda ay ku badanyihiin ajanabiga gaar ahaana Itoobiyaanka ee Saantoos oo ku dhow dekedda magaalada Boosaaso. Kooxda dilka geysatay ayaa markiiba ka baxsatey goobta ay toogashada...
  Mareykanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in saddex askari looga dilay duqeyn Al-shabaab ay ku bartilmaameedsadeen horaantii todobaadka saldhigga Balli –Doogle ee gobolka Shabeellaha hoose. Christopher P. Karns oo ah afhayeenka taliska Mareykanka ee Africom ayaa u sheegay wakaallada wararka u faafisa China ee Xinhua in Al-shabaab faafiyeen warar...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dubbad (Cumar Dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo shalay ku dhintay qarax ka...
Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin ay ugaga hadlayso xoriyada hadalka ee dalka Soomaaliya iyadoo warbixinta lagu sheegay in horumar laga sameeyay xoriyaa hadalka balse weli loo baahan yahay in la sii hormariyo. WAR SAXAAFADEED XORRIYADDA HADALKA EE SOOMAALIYA: WELI LAMA HELIN Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa muujineysaa in inkastoo xoogaa horumar ah...
Manea al-Yami oo ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka Sacuudiga ayaa lagu dilay dalka Lubnaan, waxaa sidaas sheegay xisbiga mucaaradka Sacuudiga ee Xisbiga Golaha Qaranka (NAAS) iyo ilo-wareedyo amni oo ku sugan Lubanaan. War-saxaadeed uu soo dhigay twitter-ka, ayuu xisbiga NAAS, oo ah urur mucaarad ah oo ay maal-geliyaan Sacuudiyiinta dibad-joogga...