Ururka Qareenada Dalka Uganda oo ku Baaqay in la Ixtiraamo Madaxbanaanida Garsoorka Soomaaliya Iyagoon Haysan Madaxbanaani Garsoor Dalkooda ah

0
4

Ururka Qareennada Uganda (Uganda Law Society) ayaa walaac xooggan ka muujiyey xiisadda dastuuriga ah ee ka taagan Soomaaliya, iyagoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ixtiraamo xukunka Maxkamadda Sare ee dalka, isla markaana uu ka fogaado tallaabo kasta oo wax u dhimaysa dastuurka iyo madaxbannaanida garsoorka.

Bayaan uu ururku soo saaray 10-kii Nofeembar 2026, ayuu ku sheegay in uu si gaar ah uga walaacsan yahay isku dayga madaxweynaha ee la xiriira muddo-kordhin ka baxsan muddada uu dastuurku u oggol yahay.

Ururka ayaa xusay in Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, xukun ay soo saartay 5-tii Nofeembar 2026, ay caddeysay in wax-ka-beddelladii dastuurka ee la ansixiyey bishii Maarso aysan kordhinayn muddo-xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Sida ku cad xukunka maxkamadda, muddada afarta sano ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay dhammaatay 15-kii May 2026, halka muddo-xileedka labada aqal ee baarlamaankuna uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026. Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in doorashooyinka la qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynuhu 4-tii Nofeembar xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, isla markaana uu magacaabay qof beddelaya, hase yeeshee Maxkamadda Sare ay tallaabadaas ku tilmaantay mid aan sharci ahayn oo aan waxba ka jirin.

Inkasta oo maxkamaddu go’aankaas gaartay, haddana madaxweynaha ayaa 7-dii Nofeembar dhaariyey guddoomiye cusub oo Maxkamadda Sare ah, sida lagu sheegay bayaanka.

Ururka Qareennada Uganda ayaa xusay in dalkoodu door muhiim ah ka soo qaatay nabadeynta Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in Uganda ay ahayd waddankii ugu horreeyey ee ciidamo u dira Soomaaliya bishii Maarso 2007, xilligii howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxa uu sheegay in naf-hurnimadii ciidamada Uganda iyo dadaalladii beesha caalamku aysan ahayn oo keliya sidii Soomaaliya looga saari lahaa colaadaha, balse sidoo kale lagu dhisi lahaa dal ku dhisan nabad, dowladnimo dimuqraadi ah iyo ku dhaqanka sharciga.

Ururka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay u hoggaansanto go’aanka Maxkamadda Sare, ilaaliso xuduudaha muddada xil-haynta ee dastuuriga ah, isla markaana dhowrto madaxbannaanida garsoorka.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Bulshada Bariga Afrika (EAC), Midowga Afrika iyo beesha caalamka inay si degdeg ah uga qayb qaataan xaaladda Soomaaliya, ayna dowladda ku cadaadiyaan inay ixtiraamto shuruucda gudaha, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Ururka Qareennada Uganda ayaa ugu dambayn ku adkeystay in aan la oggolaan ku tumashada sharciga, isagoo bayaankiisa ku soo gabagabeeyey hal-ku-dhegga: “Ka hortaga sharci-darrada.”