Madaxda shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa goor dhaw ku dhawaaqay dalalka ay ka soo jeedaan dadkii la socday diyaaradii burburtay oo la sheegay in gabi ahaanba ay dhinteen.
Dadka ku dhintay diyaarada ayaa gaaraya 157 ruux , waxaana ka mid ahaa liiska la shaaciyay qof Soomaali ah oo ku jiray...
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray shir looga hadlay abaaraha ka jira Puntland, kuwaas oo saamayn ku yeeshay duunyadda iyo nolosha dadka ku dhaqan deegaannada Puntland.
Shirkan waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinaayay guddiga abaaraha oo ka kooban Wasiirada Wasaaradaha, Deegaanka, Beeraha iyo...
Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay Janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday.
Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal...
Wali waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan burburka diyaaradaha Ethiopian Airlines oo ku burburtay magaalo lagu magacaabo Bishoftu oo Koonfur Bari ka xigta magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
157 ruux oo la socday diyaarada ayaa la sheegay in gabi ahaanba ay dhinteen, 149 ka mid waxaa ay ahaayeen...
Dhawaan waxaa tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamul gobolleedka Jubbaland wafdi ka socday xafiiska ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.
Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Axmed Nuur Maxamed Cabdi, ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawlad gobaleedka...
Warar daqiiqado ka hor soo baxay ayaa sheegaya ay bur burtay diyaarad diyaarada Ethiopian Airlines oo ka duushay magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
"Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, oo ku hadlaya magaca xukuumadda iyo kan shacabka Itoobiya waxaa ay tacsida la wadagayaan qoysaskii ku waayay dadkii...
Mid ka mid ah ardeyda wax ka barata dugsiga Mujamac ayaa ku dhax dilay ardey kale gudaha fasalkii ay wax ka wada dhiganayeen.
Labada Ardey ayaa la sheegay in uu horay dagaal u dhaxmaray, hasse ahaatee saakay markii ay fasalka isugu tageen mar kaliya laga war helay ardeyga oo toorey...
Wasiirka caafimaadka Tunisia, Cabdirauf Sharif ayaa iscasilay ka dib markii 11 ilma markaa uun dhashay ah ay ku dhinteen cisbital ku yaal caasimadda Tunis.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in baaritaanno la sameeyay ay muujinayaan in ilmahaasi ay u dhinteen caabuq ka dhashay oksijiin la'aan mudadii u dhexeysay todobada ilaa sideedda...
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba maanta xiray inta badan jidadka muhiimka u ah isku socodka dadweynaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la filayo in dalka la keeno meydka Wasiirkii Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.
Wadooyinka ay ciidamada xireen ayaa waxaa ka mid ah laga bilaabo Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye...
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale tusaale la yaab leh u soo qaatay dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay meel laga jecel yahay dhaqan xumadda iyo gardarada.
Mar uu ka hadlay Askari Uganda u dhashay oo dhawaan la sheegay in uu dharbaxaay haweeney ka tirsaneyd isla ciidamada Uganda...


















