Thursday, March 28, 2024
Home Wararka Ciidamo Si Gaar Ah Loogu Soo Tababaray Dalka Turkiga Oo Soo Gaaray...

Ciidamo Si Gaar Ah Loogu Soo Tababaray Dalka Turkiga Oo Soo Gaaray Muqdiaho.

0
370

Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliye Ku-xiggeenka XDS ayaa  garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay Cutub ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Danab, kuwaasi oo tababaro culus kusoo qaatay dalka aan walaalaha nahay ee Turkey.

Cutubkaan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab, ayaa Tababarka ay kusoo qaateen Turkiga waxuu  socday Muddo Sanad ah, waxaana muddadaasi la baray Habka dagaalka iyo Xirfadaha kala duwan ee Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo la hadlay Ciidanka Tababarada kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa u mahad celiyay Dawladda Turkiga oo uu sheegay in yihiin kuwa kaalin weyn ka qaadanaya dib u dhiska Ciidamada Difaaca.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed cali ayaa sheegay in ciidamada tababarka kusoo qaatay dalka Turkiga looga baahan yahay in door muhiim ah ay ka qaataan Xorreynta dalka.