Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka.

0
361

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee maal mahaan ku sugnaa magalaada Washinton ee dalka Mareykanka ayaa kulan balaaran la qaatay madaxa hay’adda lacagta adduunka Cristine Lagarde.

Labada dhinac ayaa kulan kooda iskula soo qaaday horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo xaqiijinta himilooyinka lagu gaari karo in soomaliya ay hesho fursadda deyn cafinta.

Wafdiga r/wasaarah oo ay ka mid yihiin Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, Gudoomiyaha Bangiga dhexe,Hanti dhowrka Qaran iyo xubno kale ayaa sidoo kale kulamo isdaba joog ah la yeelanaya hay’addaha maaliyadda dunida ee ku kulansan shir sanadeedka Guga oo ah mid ay si wada jir ah u qabtaan Bangiga aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiirka Qorsheyta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka  ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo  ka warramay kulamadda ay galeen Iyo waxyaabihii kasoo baxay ayaa sheegay in dhamaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii laga rabay in ay hesho deyn cafin,dhawaana la filayo in go,aano laga soo Saaro.

Kulamada uu ra’isul Wasaaraha iyo wefdigiisu la yeelanayo madaxda ka qeyb galaysa shirkan ayaa sii socon doona maalmaha soo socda, waxaana rajo weyn laga qabaa in guulo wax ku ool ah laga gaaro dadaalada socda.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Hassan Cali Qeyre ayaa Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka kula kulmay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton. Bolton ayaa u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya horumaradda ay ka gaartay hagaajinta maaliyada isagoo sheegay in ay dowladda Mareykanku ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaana la dagaalanka Argagixisada iyo xasiloonida Gobolka.