La Taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka oo La Kulmey R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

0
513
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Washington kulan kula qaatay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo John Bolton ayaa ka wada hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneysay soo kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo sida uu Mareykanku u joogtaynayo taageerada Soomaaliya ee dhanka la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay John Bolton soo dhaweynta diirran ee uu ugu sameeyay aqalka cad iyo wadhadallada miro dhalka ah ee ay wad yeesheen,sida uu xaqiijiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.