Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Cusub Ee Bankiga Adduunka

0
526

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ku sugan wadanka Mareykanka ayaa magaalada Washington kulan kula qaatay madaxweynaha Cusub ee Bankiga Adduunka Mr.David Malpass.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Bankiga Adduunka David Malpass ayaa kulankooda uga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa Howlaha dib u -habeynta Hay’adaha Dowladda ee dhinaca Maaliyadda iyo kaalinta uu Bankiga Aduunku ka geysanayo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Bankiga Adduunka ayaa kawada hadlay arimaha deyn cafinta Soomaaliya iyo sidii Bankiga adduunka uu door uga qaadan lahaa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo kula leh magaalada Washington masuuliyiinta Hay’adda lacagta aduunka iyo Bankiga Caalamka iyadoo uu Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale halkaas uga qeybgali doono shir looga hadlayo deyn cafinta Soomaaliya.