Wednesday, September 9, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii ugu horreeyay ee Kalfadhiga 8-aad, iyadoo goluhu ansixiyay xubin cusub oo loo magacaabay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, isla markaana akhrintii koowaad loo gudbiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim ah. Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi,...
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Cabdulqaadir Aadan, ayaa sheegay in hawsha qodista ceelka shidaalka ee Curad-1, oo Türkiye ka waddo xeebaha Soomaaliya, ay si xawli ah u socoto, isla markaana la soo gabagabeyn karo dhammaadka bisha Sebtembar. Agaasimaha ayaa sheegay in qodistu ay gaartay qiyaastii 3,000 mitir, iyadoo hawshu...
Markab shidaal oo Mareykanku cunaqabateeyay ayaa kamid noqday maraakiibta ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida xilli ay soo kordhayaan weerarrada burcad-badeednimada ee Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed. Markabka Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan SIBU 1, ayaa Mareykanku cunaqabateeyay bishii Diseembar 2025, isagoo lagu daray maraakiibta Washington ay ku tilmaantay qayb...
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Laftagareen, ayaa ka hadlay eedeymaha loo jeediyay ee ah inuu xiriir iyo xulafo la sameystay kooxda Al-Shabaab, kaddib markii dhawaan weerar ay halmar Baydhabo kusoo qaadeen ciidanka Lafta Gareen iyo kooxda Alshabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeeysay inuu Lafta Gareen...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray jadwalka goobaha loo asteeyay doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Sida ku cad jadwalka guddiga, doorashooyinka ayaa laga qabanayaa 12 degmo oo ku kala yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Gobolka Hiiraan waxaa loo asteeyay degmooyinka Beledweyne,...
Xisbiga KAAH ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay amartay in xubnaha xisbiga laga hor istaago gudaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, xilli ay doonayeen inay soo dhaweeyaan Guddoomiyaha Xisbiga, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo saaka ka soo degay madaarka. Masuuliyiin ka tirsan KAAH ayaa sheegay in ciidanka ilaalada madaarku ay u...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira doorashadii ka dhacday dowlad-goboleedka Galmudug. Qoraal uu Guddigu soo saaray ayuu ku sheegay in go’aanka Maxkamadda Sare, oo ku taariikhaysan 24-ka Agoosto 2026, uu khuseeyo murankii ka...
Muwaadiniin Soomaali ah oo ku xiran xarumaha lagu hayo dadka wajahaya dib-u-celinta ee dalka Sweden ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday inay soo farageliso xaaladdooda, iyagoo sheegay inay muddo ku xiran yihiin, isla markaana ay ka cabsi qabaan in si khasab ah loogu celiyo Soomaaliya. Mid ka mid ah muwaadiniintan oo...
Qaramada Midoobay ayaa bilowday dhimista shaqaalaheeda rayidka ah iyo qorsheynta iibinta qaar ka mid ah hantideeda ku sugan Soomaaliya, iyadoo xiisadda dhaqaale ee sii xoogeysaneysa ay halis gelinayso nidaamka saadka ee taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ugu yaraan 10 shaqaale rayid ah oo ka tirsan Kooxda Taageerada Warfaafinta ee...