Shirkadaha Bixiya Adeegga Korontada Muqdisho oo in ay Kordhiyeen Qiimaha Korontada Sare u kac ku yimid Shidaalka Awgeed.

0
4

Shirkadaha korontada ee BECO, Muqdisho Power iyo Blue Sky ayaa ku dhawaaqay inay kordhiyeen qiimaha korontada, iyagoo sabab uga dhigay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka.

Warsaxaafadeed ay shirkaduhu soo saareen maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka Oktoobar 2026, ayay ku sheegeen in kororka qiimaha shidaalka uu saameeyay awooddooda ay ku sii wadaan bixinta adeegga korontada qiimihii hore.

 

Shirkaduhu waxay tilmaameen in qiimaha shidaalka ee Soomaaliya uu kordhay in ka badan 70 boqolkiiba, taas oo ay sheegeen inay ku qasabtay inay dib u eegis ku sameeyaan qiimaha korontada si ay u sii wadaan adeegga ay bulshada u hayaan.

Sida ku cad go’aanka shirkadaha, waxaa qiimaha korontada lagu kordhinayaa shan senti halkii kilowaat-saac, laga bilaabo maanta oo ku beegan 25-ka Oktoobar 2026.

Shirkaduhu waxay sheegeen in kororka lagu sameeyay qiimaha korontadu uu yahay mid hooseeya marka loo eego kororka ku yimid qiimaha shidaalka, iyagoo sheegay inay tixgeliyeen duruufaha dhaqaale ee adag ee ay bulshada ku jirto.

Waxay sidoo kale muujiyeen inay ka xun yihiin saameynta uu sare u kaca shidaalku ku yeeshay macaamiisha, iyagoo rajo ka muujiyay in xaaladdu isbeddeli doonto mustaqbalka dhow.

Kororka qiimaha shidaalka ayaa kusoo aadaya xilli ay shirkaduhu sheegeen in suuqa caalamka uu wajahayo sare u kac la xiriira colaadaha Bariga Dhexe iyo xirnaanshaha marin-biyoodka Hormuz.

Shirkadaha BECO, Muqdisho Power iyo Blue Sky ayaa ka mid ah shirkadaha bixiya adeegga korontada ee Muqdisho iyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan.