Wednesday, September 9, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay barnaamijkii taageerada ee xafiiska Qaramada Midoobay ee KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS) uu ka siinayay dalka dhinacyada garsoorka iyo adeegyada xabsiyada. Munaasabad lagu soo xirayay taageerada UNTMIS ayaa Muqdisho ka dhacday, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee dowladda Federaalka, Xasan...
Uganda ayaa ka fiirsanaysa qorshayaal cusub oo lagu taageerayo ciidamadeeda, xilli uu soo dhowaanayo dhammaadka howlgalkooda Soomaaliya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Kampala ay ka doodi karto suurtagalnimada in ciidamo Uganda ah loo diro Marinka Gaza, iyadoo taageero ka heleysa Mareykanka. Sida uu sheegay sarkaal lagu magacaabo Williams,...
Guddoomiyaha Xisbi siayasadeed Towfiiq, Sheekh Axmed Shaakir, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ee maamulka Galmudug. Sheekh Axmed Shaakir oo shir jaraa'id qabtay ayaa taageerayaasha xisbigiisa ugu baaqay inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan go’aanka  kasoo baxay Maxkamadda...
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug, oo dhacay 30-kii Luulyo 2026, aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka. Go’aanka oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashi Yuusuf Axmed, ayaa lagu sheegay in habkii loo...
Waxaa maanta soo gaba-gaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Guddi matalayey Xildhibaanada Mucaaradka. Wadahadallada oo ku qabsoomay jawi deggen, ayaa looga arrinsaday sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha Golaha, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta Xildhibaanada. Dhinacyadu waxay isku raaceen qodobadan soo socda: Dhex-dhexaadnimada...
Lix qof oo kalluumaysato ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn galabta ka dhacday xeebta deegaanka Jiifle ee gobolka Nugaal ee Puntland. Saxiimad maraysay xeebta deegaanka Jiifle ayaa la sheegay in lagu duqeeyay gantaal, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in doonta ay...
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xog ka hayso duqeymo laga geystay xeebaha Puntland. Cumar Cali Cabdi oo maanta saxaafadda si kooban ula hadlay ayaa u sheegay in haddii ay xeebaha Soomaaliya ka dhacayaan hawlgallo milatari oo ka dhan ah kooxaha burcad...
Xiisad cusub oo colaadeed ayaa ka dhex qaraxday Israa'iil iyo Turkiga kadib markii diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen saldhigga milatari ee Abu al-Duhur ee gobolka Idlib, waqooyi-galbeed Suuriya. Israa’iil ayaa sheegtay in saldhigga loo diyaarinayay in lagu dejiyo ciidamo Turki ah, taas oo ay u aragto khatar amni. Israa'iil ayaa...
Warbixin ay baahisay wakaaladda Reuters, oo soo xiganaysa khubaro ku xeel dheer amniga badda, ayaa sheegtay in ay jiraan caddeymo muujinaya xiriir iyo iskaashi u dhexeeya Xuutiyiinta Yemen iyo burcad-badeedda Soomaalida, xilli ay soo kordhayaan weerarrada lagu qaadayo maraakiibta ku safra xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed. Reuters ayaa sheegtay in...
Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa xalay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay laba nin oo lagu sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, kaddib markii lagu eedeeyay inay miinooyin ku aaseen suuqa xoolaha ee degmada. Taliyaha Saldhigga Booliska Mahadaay, G/le Suleymaan Cowsey, ayaa sheegay in ciidamada ay heleen...