Sagal Cabdi-Wali, oo ah haweeney asal ahaan Soomaali ah, ayaa laga yaabaa inay u tartanto kursiga baarlamaanka ee deegaanka Holborn iyo St Pancras ee magaalada London, doorashada ku celiska ah ee dhawaan qabsoomi doonta, kursigaas ayaa waxa hore uu u haystay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska, Keir Starmer.
Sagal waxay...
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay saaka magaalada Baydhabo ku jabiyeen maleeshiyaad ay ku tilmaantay kuwo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo sida ay wasaaraddu sheegtay isku milmay.
War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in...
Afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in ciidamada uu ku tilmaamay kuwa Koonfur Galbeed ay howlgal ka wadaan gudaha magaalada Baydhabo.
Ugaas Xasan ayaa shacabka Baydhabo ugu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan inta uu socdo...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa dib-u-habeyn lagu sameeyo qaabka loo maamulo hay’adaha amniga gudaha, iyadoo xoogga la saarayo isla xisaabtanka, isku-dubaridka hay’adaha iyo sidii loo dhisi lahaa nidaam amni oo dhaqaale ahaan waara.
Arrintan ayaa kamid ah qodobada ugu waaweyn ee looga hadlay Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ee ka...
Wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tan iyo sannadkii 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya, kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca howlgallada ah.
Wargeysku wuxuu sheegay in Al-Shabaab...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni inuu hadalladiisa iyo mowqifkiisa ku dhiirrigelinayo burcad-badeedda inay madax-furasho ka dalbadaan maraakiibta ay afduubtaan.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in warqad uu soo saaray maamulka Puntland ay ku jirto difaac uu ku tilmaamay mid lagu taageerayo...
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in dib-u-dhaca ku yimid ciidamada Masar ee la filayay in ay qayb ka noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya aanu ka dhalan rabitaan la’aan siyaasadeed ama diyaar-garow la’aan dhinaca Masar ah.
Cali Balcad...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (NAM) oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunidu wajahayo, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Qatar ay xoojinayaan iskaashigooda amni iyo difaac, isagoo tilmaamay in heshiiska iskaashiga difaaca ee labada dal uu gacan ka geysanayo dhismaha hay’ado amni iyo ciidan Soomaaliyeed oo xooggan oo xirfad leh.
Xamsa Cabdi Barre oo wareysi gaar ah siiyay...
Ciidamada Badda Turkiga oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo furteen markabka MV LATUF, oo ay burcad-badeeddu afduubteen 17-kii Agoosto, xilli uu marayay agagaarka xeebta Jiifle ee degmada Eyl, ee gobolka Nugaal.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, howlgalka oo socday muddo 10...


















