Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa sheegay inuu dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kula kulmay madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland iyo hoggaamiyaha Jubaland, isaga oo kulamadaas ku tilmaamay kuwo looga hadlayay qorshe ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa uu ku andacooday in wada-hadalladaasi ay diiradda saareen dhismaha isbahaysi looga gol leeyahay in xilka looga tuuro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sanbaloolshe ayaa sidoo kale sheegay in kulamadu ay taabteen arrimo la xiriira jihada siyaasadeed ee isbahaysiga la doonayo in la sameeyo iyo tallaabooyinka ay tahay inuu qaado.
Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey Imaaraadka Carabta ugu eedeysay inuu dalka ka abuurayo koox la mid ah Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF), kuwaas oo door weyn ku leh dagaalka ka socda dalkaas. Hase yeeshee, dowladda Soomaaliya weli si fagaare ah uma soo bandhigin caddeymo ay ku xaqiijinayso eedeyntaas.





