Ciidamo Loogu Yeeray Dulmi-Diid oo Beledweyne Lagu Soo Bandhigay iyo Xubnaha Hirshabeele ee 24 Loo Qabtay.

0
7

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaar ahaan xerada Lamagalay ayaa maanta lagu soo bandhigay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawisleyda kuwaasoo loogu magac daray Dulmi diid.

Ciidamadan oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka shaqeyn doona sugidda amniga, waxana goobta lagu soo bandhigayay ku sugnaa guddoomiyihii gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed oo dhawaan maamulka Hirshabeelle ay sheegeen inay xilka qaadeen islamarkana diiday, duqa cusub ee dhawaan uu magaalada Baladweyne u magacaabay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle Ducaale Aadan Garaase, saraakiisha ciidamada deegaanka,odayaal dhaqameed, dhalinyaro iyo haween.

Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed ayaa sheegay in muddo 24 saacadood looga baahan yahay xubnaha ka amar qaata maamulka Hirshabeelle ee dhawaan lagu soo dhisay magaalada Jowhar ay uga baxan magaalada Baladweyne.

Maxamed Xuseen Maxamed ayaa sheegay in hadii ay u hogaansami waayaan amarkan laga qaadi doono talaabo.

‘’ Waxaan rabaa inaan faro xubnaha ka amar qaata Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Baladweyne inay 24 saacadood uga baxan magaalada Baladweyne, hadii ay ka dhaga adeygan talaabo ayaa ka qaadi doonaa.’ayuu yiri guddoomiye Carab.

Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane iyo taliyihii hore ee ciidamada booliska gobolka Hiiraan Col Cali Dhuux Cabdi Mahad alle ayaa sheegay in  ciidamadan aysan duulaan ku aheyn ciidamada qaranka ee ku sugan magaalada Baladweyne islamarkana loo aasaasay kaliya ciidamadan sidii loo heli lahaa xaquuqda ka maqan bulshada gobolka Hiiraan.

Ciidamadan iskud dhafka ee Macawisleyda oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa lagu wadaa inay howlgalo ka sameeyaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiiraan.

Xubnaha maamulka Hirshabeelle ee uu horkacayo guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo soo magacaabay gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliya ayaa ku sugan magaalada Baladweyne lama oga sida ay ugu hogaansami doonaan amarkan ka soo baxay xubnaha kacdoonka gobolka Hiiraan.