Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa mar kale Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe u doortay hoggaamiyaha maamulka, halka Cabdifataax Xasan Afrax loo doortay hoggaamiye ku-xigeenka, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.
Cali Guudlaawe ayaa ku guuleystay doorashada hoggaamiyaha Hirshabeelle, isaga oo helay codadka 81 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada. Dib-u-doorashadiisa ayaa u oggolaanaysa inuu hoggaamiyo maamulka shanta sano ee soo socota.
Dhanka kale, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa ku guuleystay xilka hoggaamiye ku-xigeenka, isaga oo helay 79 cod, halka musharrax Cabdifataax Baashi Maxamed uu helay 16 cod.
Doorashada hoggaamiye ku-xigeenka waxaa codeeyay 97 xubnood, waxaana xumaaday laba cod.
Munaasabadda doorashada ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.
Dib-u-doorashada Cali Guudlaawe ayaa dhalisay hambalyooyin uga yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ee ka soo jeeda deegaannada Hirshabeelle, kuwaas oo u rajeeyay hoggaanka cusub inuu ku guuleysto gudashada waajibaadkiisa.
Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya, Abuukar Islow Ducaale, ayaa hambalyo u diray Guudlaawe, isaga oo Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyadda mar labaad loo igmaday.
Islow Ducaale ayaa sidoo kale hoggaanka cusub ugu baaqay inuu mudnaanta siiyo midnimada bulshada iyo dib-u-heshiisiin dhab ah, gaar ahaan dadka qaba tabashooyinka siyaasadeed iyo kuwa kale ee bulshada.
“Waxaan hoggaanka cusub kula dardaarmayaa inay ku shaqeeyaan midnimo, una howlgalaan sidii dib-u-heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa shacabka Hirshabeelle, gaar ahaan inta tabashada qabta,” ayuu yiri Islow Ducaale.
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdulqaadir Osoble Cali ayaa hambalyo u diray Guudlaawe, isaga oo u rajeeyay inuu ka shaqeeyo horumarka, nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo midnimada bulshada Hirshabeelle.













