Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay naqshadda cusub ee baasaboorka dalka, kadib markii Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo ay ku mideysan yihiin dalal dhowr ah oo Afrikaan ah.
Baasaboorka cusub ayaa qaybtiisa sare lagu qoray magaca East African Community (Bulshada Bariga Afrika), taas oo muujinaysa xubinnimada rasmiga ah ee Soomaaliya ee urur-goboleedkaas.
Boosaboorka cusub ayaa ka kooban sida kuwii horeba seddexda heer ee kala ah kan shaqaalaha, kan diblomaasiyiinta iyo kan caadiga ah.
Baasaboorka waxaa jaldigiisa iyo gudihiisaba ka muuqda qoraal iyo astaamo muujinaya in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika, waxaana loogu safri doonaa sida dallalka kale ee ku jira ururka.
Todobaadkii hore, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow) oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in horraanta bisha Diiseembar ee sannad kan la bixin doono noocyadii ugu horeeyay ee Baasaboorka cusub.
“Soomaaliya waxay yeelanaysaa Baasaboor cusub oo casriya, Baasaboorkaas oo waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee lagu qiimeeyo, Baasaboorada casriga ah” ayuu yiri Agaasime Xuseen Iidow.













