Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa soo dhaweeyay go’aanka mucaaradka ee ay maxkamadda sare ugu gudbiyeen dacwad ka dhan ah habraacii wax-ka-beddelka Dastuurka, isaga oo sheegay in tallaabadaasi muujinayso kalsoonida lagu qabo sarreynta sharciga iyo garsoorka dalka.
Waxa uu xusay in mucaaradnimadu ay tahay xuquuq uu Dastuurku dammaanad qaaday, isla markaana siyaasiyiintu xaq u leeyihiin inay diidaan go’aannada dowladda ama ay si cad u muujiyaan mowqifkooda.
“Runtii aad ayaan ugu faraxnay markii aan akhrinnay dacwadda,” ayuu yiri Xasan Macallin, isaga oo intaa ku daray in tallaabada mucaaradku ay xoojinayso kalsoonida lagu qabo sharciga iyo hay’adaha garsoorka.
Wasiirka ayaa sheegay in dacwaddu timid xilli kooxaha mucaaradku ay ka fogaanayeen Dastuurka, balse ay hadda u soo laabteen iyaga oo adeegsanaya hay’adaha garsoorka, arrintaas oo uu ku tilmaamay horumar dhiirrigelin leh.
Xasan Macallin ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ay dacwadda u gudbisay Xeer Ilaaliyaha Guud, kaas oo isaguna u sii gudbiyay Baarlamaanka Federaalka, Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.
Sida uu wasiirku sheegay, dacwaddu waxay hadda hortaallaa hay’adahaas.
Waxa uu ku adkeystay in wax-ka-beddelka Dastuurka ay soo diyaarisay dowladda, isla markaana uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka, isaga oo sheegay in dowladda ay qareennadeeda u adeegsan doonto difaaca habraacaas marka dacwadda la qaadayo.
“Waxaan isku difaaci doonnaa sharciga. Waxaan u hoggaansannahay sharciga, sida qof kasta oo kale looga doonayo inuu ugu hoggaansamo,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka Cadaaladda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday khilaaf hore oo sharci oo la xiriiray doorashooyinkii maamulka Galmudug, kaas oo la geeyay maxkamadaha, hase yeeshee wuxuu sheegay inaan si toos ah loo barbar dhigi karin dacwadda hadda laga keenay wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka.
Ugu dambayn, Xasan Macallin ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda lafteedu ay waajib ku tahay inay ku shaqeyso Dastuurka, isla markaana dhammaan dhinacyada siyaasadeed ay ixtiraamaan sarreynta sharciga.





