Hay’adda socdaalka Sweden ayaa fulisay howlgal masaafurin ah oo lagu qaaday 90 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo laga soo kala qaaday Sweden, Norway iyo Finland, sida ay baahisay warbaahinta Sweden.
Dadka la masaafuriyey waxaa ka mid ahaa labo mataano ah oo lagu kala magacaabo Najiib iyo Caalya, kuwaas oo 22 jir ah, isla markaana saacado ka hor inta aan la masaafurin warbaahinta Alkompis uga warramay cabsi ay ka qabeen in laga saaro Sweden, lagana fogeeyo hooyadood iyo qoyskooda.
Sida ay sheegtay warbaahinta Dagens ETC, howlgalka waxaa fulisay hay’adda ilaalinta xuduudaha Yurub ee Frontex, iyadoo kaashanaysa booliska xuduudaha Sweden. Dadka la masaafurinayey ayaa laga qaaday xarun lagu hayo dadka sugaya go’aannada socdaalka, waxaana loo gudbiyey garoonka diyaaradaha Arlanda.
Dadka saarnaa diyaaradda waxaa sidoo kale ka mid ahaa Zakariya, oo ah aabbe shan carruur ah leh, kaas oo muddo bilooyin ah ku jiray xarunta dadka lagu hayo.
Howlgalkan ayaa dhacay xilli dhammaan xisbiyada baarlamaanka Sweden ay taageereen hindise lagu baarayo suurtagalnimada hakinta masaafurinta dhalinyarada, hase yeeshee Hay’adda Socdaalka Sweden ayaa sheegtay inay sugayso go’aan rasmi ah ka hor inta aan la joojin howlgalada noocan ah.
Sannadkii 2023 ayay Sweden iyo Soomaaliya galeen heshiis la xiriira iskaashiga masaafurinta iyo dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sida ay hore u shaacisay Raadiyaha Sweden, heshiiska ayaa la xiriiray kaalmo dhaqaale oo ka badan 100 milyan oo karoon oo Sweden ay siin lahayd Soomaaliya, iyadoo qayb ka mid ah iskaashiga lagu xidhay qaabilaadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la masaafurinayo.
Heshiiska ayaa dhaliyey dhaleeceyn la xiriirta isku xidhka gargaarka horumarinta iyo siyaasadda socdaalka, iyadoo su’aalo laga keenay hufnaanta iyo dammaanadaha ku saabsan sida loo adeegsanayo lacagaha.





