Deegaanka Galgala ee Puntland oo Al-shabaab Hoobiyeyaal ay ku Garaaceen Gaysteen Dhimasho iyo Dhaawac Dad Rayid ah.

0
2

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, toddoba kalena dhaawacyo culus ayaa soo gaaray kaddib markii kooxda Al-Shabaab, oo saldhigyo ku leh buuraha Cal Madow, ay hoobiyaal ku garaacday tuulada Galgala oo ka tirsan degmada Boosaaso.

Sida ay xoguhu sheegayaan, duqeyntan ayaa qayb ka ahayd weerar madaafiic ah oo ay Al-Shabaab saakay ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Puntland ku leeyihiin Galgala, iyadoo muddo daqiiqado ah ay socdeen is weydaarsi madaafiic u dhexeeyay labada dhinac.
Lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay iska horimaadka, gaar ahaan inta uu la egyahay khasaaraha ciidamada Puntland iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kaddib markii ciidamada ammaanka Puntland ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen buuraha Cal Madow.

Ciidamada Puntland ayaa dhawaan sheegay inay dileen afar nin oo lagu tuhmay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay miinooyin ku aasayeen waddooyinka ay adeegsadaan ciidamada ammaanka ee buuraha Galgala.

Sida ay saraakiil ciidan sheegeen, qarax miino oo lala xiriiriyay kooxda ayaa hore u sababay dhimashada mid ka mid ah odayaasha deegaanka Galgala, halka askar kalena ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen.

Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada Puntland ay markii dambe hawlgal ka sameeyeen aagga, kaas oo lagu dilay laba xubnood oo la sheegay inay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday halkaas.

Buuraha Cal Madow ayaa muddo sannado ah saldhig u ahaa dagaalyahannada Al-Shabaab, iyadoo ciidamada Puntland ay halkaas ka wadaan howlgallo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda.

Puntland ayaa sidoo kale ku dhawaaqday hawlgalka Unkod oo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee Calmadow.