Qodista ceelka shidaalka ee Curad-1, oo ah ceelkii ugu horreeyay ee si rasmi ah looga qodo biyaha badda Soomaaliya, ayaa gaartay lakabka Early Cretaceous, halkaas oo ay ka bilaabmeen raadadka loo baarayo suurtagalnimada jiritaanka shidaalka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Cabdulqaadir Aadan Maxamed.
“Meelaha ay ka bilaabmaan astaamaha muujinaya in shidaal meesha ku jiro, halkaas ayay hadda qodistu ka sii bilaabanaysaa. Inta aad sii qodaysid, waxaa sii kordhaya dhiirrigelinta iyo rajada laga qabo in shidaal meesha ku jiro. Hadda waxaad taagan tihiin marxaladdii ugu muhiimsanayd,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Sida uu sheegay guddoomiyuhu, 2,000-kii mitir ee ugu horreeyay ee la qoday waxay ahaayeen lakabyo dhuleed oo sedimentary ah, kuwaas oo aan weli laga helin xog ku filan oo lagu go’aamin karo jiritaanka shidaal. Muunado laga soo qaaday lakabyadaas ayaa loo diyaariyey baaritaanno dheeraad ah.
Hay’addu waxay sidoo kale qorsheyneysaa in muunadaha loo kaydiyo si ay ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ugu adeegsadaan daraasaad cilmiyeed iyo baaritaanno shaybaar.
Qodista ceelka Curad-1 ayaa bilaabatay bishii Abriil 2026, waxaana fulinaysa Shirkadda Batroolka Qaranka Turkiga (TPAO), iyadoo adeegsanaysa markabka qodista shidaalka badda ee Çağrı Bey.
Ceelku wuxuu ku yaallaa qiyaastii 372 kiiloomitir waqooyi-bari magaalada Muqdisho, waxaana hawlgalkiisa si dhow loola socdaa iyadoo Soomaaliya ay raadineyso inay xaqiijiso suurtagalnimada kheyraadka shidaal ee ku jira biyaha dalkeeda.













