Ururada Siyaasadda ee Ka Qeyb galay Doorashooyinkii Qof iyo Cod oo wax Laga Xumaado ku Tilmaamay in aan Lagu Xusin Casuumaadii Wadatashiga Doorashooyinka dalka.

0
4

URURRADA SIYAASADEED EE KA QAYB-GALAY DOORASHOOYINKA QOF IYO COD OO WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH SOO SAARAY.

UJEEDDO: DOORKA URURRADA DOORASHADA QOF IYO COD EE SHIRKA QARAN IYO HOWLGELINTA GOLAYAASHA DEEGAANKA DEGMOOYINKA GOBOLKA BANAADIR/

Muqdisho, Soomaaliya — 28 Oktoobar 2026

Waxaa shir isugu yimid Ururrada Siyaasadeed ee ka Qaybgalay Doorashada Qof iyo Codka ah, waxaayna isku afgarteen Qodobada Soo socda:

Waxaa shir isugu yimid Ururrada Siyaasadeed ee ka Qaybgalay Doorashada Qof iyo Codka ah, waxaayna isku afgarteen Qodobada Soo socda:

1. Ururrada siyaasadeed ee ka qaybgalay doorashooyinkii qof iyo cod ee ka dhacay Gobolka Banaadir iyo Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle waxay ugu baaqayaan Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka in si degdeg ah ay u howlgeliyaan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, lana dejiyo jadwal rasmi ah oo lagu qabanayo doorashada guddoonnada maamullada degmooyinka Gobolka Banaadir.

2. Sidoo kale, waxaan soojeedinaynaa in si cad loo qeexo doorka, matalaadda iyo ka-qaybgalka ururrada siyaasadeed ee ka qaybgalay doorashooyinkii qof iyo cod ee ay ku leeyihiin shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Ururada Siyaasadda ayaa wax Laga Xumaado oo aan La Aqbali karin ku tilmaamay Casuumaadii Madaxtooyada ee Gogosha Wadatashiga Doorashooyinka in aan Lagu Soo Darin Casuumaada iyo Gogosha Madaxweynuhu Fidiyey taas oo Ururada Doorashooyinka ka Qeyb galay ay u arkaan Hoos u dhigid Maqaamkooda Siyaasadeed Arin La Xiriirta.

Ururrada siyaasadeed waxay qayb muuqata ka qaateen geeddi-socodka doorashooyinka, abaabulka taageerayaashooda iyo horumarinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee shacabka. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in shirka qaran lagu xaqiijiyo wadatashi loo dhan yahay, matalaad caddaalad ah iyo fursad ay ururradu ku soo bandhigaan aragtiyahooda ku aaddan doorashooyinka, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Mahadsanadiin.