Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay cadaadis ku hayso siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo sheegay in ay suuragal tahay in dowladda iyo kooxda Al-Shabaab ay iska kaashadaan beegsiga mucaaradka. Eedeymahan ayuu ku sheegay wareysi uu kaga hadlay xiisadda siyaasadeed, amniga Muqdisho iyo khilaafka ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu aaminsan yahay in haddii mucaaradka laga horwareejiyo siyaasadda, uu awood u yeelan karo inuu dalka ka sameeyo wax kasta oo uu doonayo.
Isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan suuragalnimada in dowladda iyo Al-Shabaab ay iska kaashadaan beegsiga siyaasiyiinta mucaaradka, Sheekh Shariif wuxuu sheegay in arrintaasi dhici karto. Waxa uu intaas ku daray in marar kala duwan la soo qaaday isku dayo la xiriira qorsheynta falalka noocaas ah, balse uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan eedeymahaas.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka hadlay dhacdo uu sheegay inay 10-kii Oktoobar ka dhacday hoygiisa Muqdisho, markii ciidamo ay yimaadeen agagaarka guriga uu deggan yahay. Wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay qayb ka ahayd cadaadis lagu saarayo mucaaradka, isaga oo xusay in ciidamada laga dalbaday in laga qaado aagga hoygiisa.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in inkasta oo xiisaddu ay yaraatay, haddana ay jiraan caqabado la xiriira dadka booqda gurigiisa, baaritaanno lagu sameeyo dadka soo gelaya iyo kamarado uu sheegay in lagu rakibay agagaarka hoygiisa. Wuxuu arrimahaas ku tilmaamay adeegsiga hay’adaha dowladda dano gaar ah, halkii ay ka ilaalin lahaayeen amniga guud.
Wareysiga, Sheekh Shariif wuxuu iska fogeeyay eedeymaha sheegaya in isaga iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradku ay caqabad ku yihiin amniga caasimadda. Wuxuu sheegay in ilaaladiisu ay ka kooban yihiin ciidamo rasmi ah oo dowladda ka diiwaangashan, isla markaana aanay ahayn maleeshiyaad.
Wuxuu ku dooday in ciidamada ammaanku ay ku shaqeeyaan sharciga iyo waajibaadka loo igmaday, isla markaana aan loo adeegsan karin cabburinta siyaasiyiinta ama dano shaqsiyeed. Waxa uu sidoo kale ka digay in ciidamada laga leexiyo waajibaadkooda dastuuriga ah, isaga oo ku baaqay in hay’adaha dowladda ay si madax-bannaan u gutaan shaqadooda.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dalka lagu xallin karo wadahadal lagu gaaro doorasho xor ah oo xalaal ah, lana ilaaliyo dastuurka iyo hannaanka dowladnimada, Wuxuu shaaca ka qaaday in mucaaradku aanu ka baqayn doorasho, balse ay muhiim tahay in la helo hannaan ay dhinacyadu ku kalsoon yihiin, isla markaana tartanka siyaasadeed uu ku dhaco si caddaalad ah.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dhaliilay tallaabooyinka lagu xannibayo isu-soo-baxyada nabadeed, isaga oo ku adkeystay in muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay cabbiraan aragtidooda, ayna si nabad ah u bannaanbaxaan sida uu qabo dastuurka, Wuxuu ugu baaqay dowladda inay ka fogaato adeegsiga awoodda amniga ee lagu cabburinayo mucaaradka, isla markaana ay mudnaanta siiso wadahadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka.