Golaha Mustaqbalka oo Diiday in ay Abuurayaan Jabhad Dalka Xoog kula Wareegta Sanbaloolshana iska Fogeeyey.

0
4

Xoghayaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa sheegay in mucaaradka Soomaaliyeed uusan qorsheynayn inuu dalka ka abuuro jabhad hubaysan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ay doonayaan inay awoodda ku raadiyaan hannaan nabadeed.

Xildhibaanka ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, mowqifka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo wada-hadallada ay dowladda federaalka ku dhawaaqday.

Cabdullaahi Carab ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in mucaaradku qorsheynayo inuu dalka ka abuuro jabhad hubaysan. Wuxuu sidoo kale sheegay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Sanbaloolshe) uusan ka mid ahayn Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, isaga oo diiday in mucaaradka lagu tilmaamo koox doonaysa inay awoodda ku raadiso dagaal.

“Sanbaloolshe kama mid aha Golaha Mustaqbalka, mana sameynayno jabhad hubaysan. Waxaan dooneynaa inaan awoodda ku raadinno si nabadeed,” ayuu yiri xildhibaanku.

Dhanka kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in mucaaradku weli uusan go’aan kama dambays ah ka gaarin tallaabooyinka xiga ee siyaasadeed, isaga oo xusay in arrinta laga wada tashan doono, kaddibna go’aanka la gaaray lala wadaagi doono shacabka.

Cabdullaahi Carab ayaa sidoo kale ku dooday in muddada xilka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dhammaatay, isaga oo sheegay in fursadihii hore ee wada-hadalka aan si buuxda looga faa’iideysan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu tilmaamay in mucaaradku weli ka tashanayo mowqifkiisa ku aaddan xaaladda taagan.

Hadalladan ayaa imanaya iyadoo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo la xiriira muddada xilka hay’adaha dowladda, hannaanka doorashooyinka iyo baahida loo qabo wada-hadal siyaasadeed.