Sunday, September 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Hogaamiyeyaasha bulshada Muslimka ah ee gobolka Ohio ee Maraykanka ayaa dhaleeceeyay weerarka arday Soomali ahi ku dhaawacay kow iyo toban qof. Nin asalkiisa Soomaali yahay ayaa oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali Cartan ayaa la sheegay baabuur jiirsiiyay dad dhex lugaynayay jaamacadda Ohio State Univeristy ee ku taalla magaalada Colombus, kadibna...
Fidel Castro, ayaa Waddanka Cuba Hoggaaminayay muddo Nus-qarni ah, iyadoo xisbigiisa oo keliya uu waddankas ka talinayay. xilligaasoo uu Calanka Casrto ee Guduudka ah ka Ag-babanayay Dalka Mareykanka oo ahaa Cadowgiisa ugu weyn. Taageerayaashiisa ayaa ku ammaana in uu ahaa askariga siyaasiga ah ee dadka reer Cuba u soo gacan...
Ugu yaraan 55-ruux, ayaa lagu dilay iska-horimaad dhexmaray ciidamada booliiska Uganda iyo koox doonaysay inay sameysato Jamhuuriyad u gaar ah, sida uu sheegay afhayeenka Booliiska dalka Uganda. Inta badan Qalalaashan, ayaa ka dhacday xafiisyada boqor deegaan oo ku sugan magaalada Kasese ee Galbeedlka Dalka Uganda, halkaasoo la geeyay ciidammo badan...
Fidel Castro, waa madaxweynihii hore ee Cuba ee shuuciga ahaa ee Sabtidii shalay geeriyooday,ayaa dad badan waxey is weydiinayaan waxyaabaha xusuusta gaarka ah mudan oo ay Afrika ku xusuusan doonto Hugaaamiyihii hore ee dalka Cuba Fidel Castero. Mr. Castro ayaa intii uu noolaa dawr muhiim ah ka qaatay dagaalkii gobanimo...
Xildhibaanno iyo Waxgaradka kasoo jeeda gobollada Waqooyiga Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan ayaa Bayaan ay soo Saareen, ku sheegay in lagu hayo fara-gelin dhanka doorashada sannadkan ah. Haddaba, AKHRISO: Qoraalka ay soo saareen Xildhibaannada iyo Wax-garadkaan;
Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ku qaadday xalay Weerar Saldhig ay Ciidamada Dowladda Somalia ku leedahay Deegaanka Laanta-buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaal muddo socday qaatay ayaa dhex-maray Militariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ee Weerarka ku qaaday saldhigga Laanta-buuro, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ay u suuro-gashay inay saldhigga muddo kooban la wareegaan. Sidoo kale,...
Kulliyad cusub ayaa laga dhex furay Jaamacada Ummada ee Muqdisho. Shalay Sabtidii ayaa xarigga laga jaray kulliyadaa cusub. Madaxa Jaamacada Ummada Maxamed Axmed Jimcaale ayaa warbaahinta u sheegay in tiknoolojiyad la'aan dal uusan horumarayn sidaa darteedna maamulka jaamacadaasi uu sidaa u bilaabay kulliyadaa. Wuxuu Maxamed Axmed Jimcaale sheegay in jaamacada...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo Xassan Sheekh Max'uud oo markii ugu horeysay ka hadlay cabashada ka jirta doorashada aqalka hoose, ayaa sheegay in uu qirayo in qaladaad ay dhaceen, laakiin sidda uu hadalka u dhigay qaladaadkaasi yihiin kuwo aad u yar. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaliil kasta oo soo baxda ama...
Ururka Eastleighwood oo ka shaqeeya xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi kana shaqeeya arimaha wacyi galinta, dhaqanka, farshaxanka, is dhexgalka, jiheynta dhalinyarada iyo barnaamijyada tababarada ayaa shalay qabtay bandhig lagu soo bandhigayay dhaqan Soomaaliga iyo dhaqamada bulshooyinka kale ee Kenya ku dhaqan. Shalay ayaa waxaa bandhigaasi uu ka dhacay xarunta Liberty...
Ugu yaraan 17-qof ayaa ku Geeriyooday, Tiro 30-qof ka badanna way ku dhaawacmeen, kaddib qarax Baabuur oo maanta ka dhacay Koontarool ku dhaw Suuqa beerta ee degmada Waaberi oo ku dhaway waddo laga galo garoonka weyn ee Diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Goob-joogayaal, ayaa sheegay inay arkeen Meydadka dhawr qofood oo goobtii...