Qaar ka mid ah Ciidamada Nabadsugida Jubaland oo tababar loo xirey.

0
393

Ciidamadan oo mudo sedex bilood ah uu tababar uga socday xarunta tababarka ciidamada nabadsugidda Jubaland ee magaalada Kismaayo ayaa maanta loo soo gabagabeeyay, waxaa xiritaanka xafladda ka qeybgalay Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland, xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubaland, Saraakiisha ciidamada nabadsugidda, kuwa Booliska, Taliska ciidamada daraawiishta Jubaland, odoyaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

ciidamada  Tababarka loo soo xiray oo ay tiradoodu gaareeyso in ka badan 70 askari ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin, waxaana tababarka bixinayay macalimiin ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa isla maanta tababar loo furay 150-kale oo ka tirsan ciidamada nabadsugidda Jubaland.

Ciidamada ayaa goobta ka sameeyay dhoolatus ay kusoo bandhigayeen waxyaalihii la baray.

Taliyaha nabadsugidda Jubaland Gen. Qaalid Sheekh C/laahi oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadani la siiyay tababarro kala duwan oo ay kamid yihiin, tababarrada la siiyo Kumaandooska, Ciidamada ilaalada gaar ah ee madaxda iyo tababarro kale.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay askarta in ay u adeegaan shacabka, islamarkaana tababarrada la siiyay ay wax ugu qabtaan dalkooda iyo dadkooda.

Madasha ayaa waxaa hadallo kala duwan oo isugu jiray hambayo iyo dhiiirigelin ka jeediyay masuuliyiintii kala duwanayd ee gobota ka hadashay, ayadoo intii ay xafladdu socotay ay kooxaha fanka degmada Kismaayo ay soo bandhigeen heeso ka turjumayay waxqabadka ciidanka.

Gabagabadii waxaa munaasbadda ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubland Mudane Max’uud Sayid Aadan, isagoo sheegay in inta badan degmooyinka Jubaland ay ka soconayaan tababarro la siinayo ciidamada kala duwan ee Jubaland, arinta oo uu xusay in ay tahay mid guul u ah bulshada ku dhaqan deegaanada Jubaland.

“Waxaad ka warqabtaan in maanta xerooyinka ciidan oo ka furan degmada Kismaayo, Ceelwaaq, Doolow, Luuq iyo degmooyin kale oo ka tirsan Jubaland ay tababarro uga socdaan ciidamada Jubaland,” ayuu Madaxweeyne kuxigeenka hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu kula dardaarmay ciidamada tababarka loo soo xiray in ay u adeegaan shacabka islamarkaana u guntadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen wax walba oo qal-qal ku keeni kara amniga.

Ciidamada ka tirsan nabadsugidda Jubaland ee maanta tababarka loo soo xiray ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan magaalada Kismaayo tababar loogu soo xiray boqollaal ka tirsan ciidamada Booliska Jubaland.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak