Senator Cabdixakiin Macallin oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay mucaaradka inay sabab u yihiin in natiijo muuqata kasoo bixi waayaan wada-hadallada u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka.
Senatorka ayaa sheegay in dowladda ay mas’uul ka tahay shaqada loo igmaday iyo go’aamada ay qaadato, balse haddii ay jiraan khilaafaad siyaasadeed ay tahay in dhinacyadu miiska wada-hadalka isugu yimaadaan, si xal looga gaaro arrimaha la isku hayo.
Waxa uu xusay in mucaaradku ay tahay inay miiska wada-hadalka la yimaadaan ajande cad oo lagu gorgortami karo, halkii ay ku koobnaan lahaayeen dhaleeceynta kulamada, iyaga oo aan soo bandhigin waxyaabaha ay doonayaan in laga wada hadlo.
Cabdixakiin Macallin ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladdii ay beesha caalamku dhex-dhexaadin jirtay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha, isaga oo carrabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda xalinta khilaafaadka ay saaran tahay Soomaalida.
“Beesha caalamka uma soo dhexgalayso inay qanciso qof keligiis meel jooga oo mucaarad sheeganaya, balse dadka Soomaaliyeed ayay tahay inay arrimahooda xalliyaan,” ayuu yiri senatorku.
Waxa uu ugu baaqay mucaaradka inaysan ka daalin wada-hadallada, balse ay soo bandhigaan aragtiyo iyo qorshayaal wax ku ool ah oo wax looga qaban karo khilaafaadka jira.
Senatorka ayaa dhinaca kale ka digay in khilaafaadka siyaasadeed iyo is-mariwaaga ka taagan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka ay dhaawici karaan hay’adaha dowladda, isaga oo ku baaqay in doodaha la xiriira mustaqbalka dalka lagu wajaho mas’uuliyad iyo tanaasul siyaasadeed.





