Xeebaha Boosaaso oo ay ku Degtey Dooni u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed.

0
607

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in  xeebaha magaaladaas ay ku degtay Doon siday shixnad kala duwan oo rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.

Wararka ku saabsan Doonta ayaa sheegaya in ay ka timid dalka, waxaana wararku sheegayaa in ay qalibantay markii ay u jirtay dekeda wax ka yar 14 Ml.

Kuluumeysato ayaa la sheegay in badbaadiyeen ilaa 7 qof oo ka mid ahaa dadkii la socday doonta, hasse ahaatee waxaa la la la’yahay oo  ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay ku danbeeyeen shan ruux.

Waxaa soconaya baadi-goob xoog leh oo ay wadaan ciidamada badda Puntland oo airntan siweyn uga howlan.

Ugu danbeyntii,  saraakiisha dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in dableylo xoogan oo dhacayay u sabab noqdeen in Doontan ay qalibanto.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak