Tiro ka mid ah ciidammada Kenya ee lagu dhaawacay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Jimcihii hore saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde ayaa maanta la gaarsiiyay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in laba diyaaradood oo wada afar askari oo dhaawac ah ay kasoo dageen garoonka Wilson...
Cunaqabateyntii caalamiga ahayd ee saarnayd dalka Iran ayaa laga qaaday kadib markii hay'adda quwadda atoomikada ee Qaramada Midoobay ay xaqiijiyeen in Iran ay meelmarisay heshiis ujeedkiisu ahaaa in looga hortago in ay kobciso hubka Nuclear-ka.
Xoghayaha arimaha dibadda mareeykanka John Kerry, wasiirka arimaha dibadda Iran Mohamed Jawad Zariif iyo masuuliyiin...
Guriga martida Magaalada Kismaayo oo ku yaalla Aga-gaarka Dekedda Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya Shirkii madasha Wada-tashiga Qaran ee looga arinsanayay aayaha Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka sanaddan ka dhici doona Soomaaliya.
Shirkan oo ay dibad-joog ka ahayd QM iyo Beesha Caalamka ayay madaxda Soomaaliyeed waxay si weyn uga doodeen qodobada...
Xukuumadda Burkina Faso ayaa shaacisay in lagu dilay 28-qof oo ay ku jiraan ajaanib weerarkii lagu qaaday Jimcihii Hoteel Splendid oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou.
Weerarkaan ayaa Waxaa sheegatay Mas’uuliyaddiisa kooxda AQIM oo Waqooyiga Afrika ka dagaalanta, xiriirka la leh Al-Qaacida, kuwaasoo weerarkoodan qaaday gellinkii dambe ee...
Al-shabaab ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegay inay Nolosha ku qabatay 12 Askari oo ka tirsan Ciidamada Millateriga Kenyan ah, kuwaasoo ay sheegtay inay ku qabatay weerarkii ay ku qaaday saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde. Xarakada Al-shabaab ayaa bayaankeeda ku sheegtay in tirade dhimashada ciidanka Kenya ay gaartay100Askari,...
Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaaab ayaa weeraray saldhig ciidan ay ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan ku leeyihiin deegaanka Ceel-cade oo ka tirsan gobolka Gedo una dhow xuduudda Kenya iyo Somalia Al-shabaab ayaa weerarkan ku billowday gaari waxyaalaha qarxa laga buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka laga galo saldhigan millateri, iyagoo markaas...
Al-shabaab ayaa sheegtay in ay 60 Askari oo ka Tirsan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ku dileen weerar culus oo ay saaka ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla Deegaanka Ceel-cadde oo Qiyaastii 550-km dhanka Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, kana tirsan gobolka...
Sarkaal ku sugan waddanka Sierra Leone ayaa sheegay in Fayruska dhaliya Cudurka EBOLA laga helay maydka qof uu cudurkan dilay, kaddib hal maalin markii ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ay ku dhawaaqay in laga cirib-tiray cudurka Ebeola gobolka Galbeedka Afrika.
Hay’adda WHO ayaa Warbixin ay soo saartay manta ku sheegtay...
Wasiirka Difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa si adag u Cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab Saakay Aroortii ku qaadeen Saldhig ciidanka Kenya ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.
Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaan ku dileen 60 ka tirsan ciidanka Kenya ee qaybta...
Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa Ciidamada AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa Weerarkii ay saakay Al-shabaab ku qaadday saldhiggooda deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo si adag u cambaareeyay.
Danjire Madeira ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhiggooda Ceel-cadde, laakiinse ciidamadii AMISOM ee Saldhiggaas...