Madaxweynaha waqtigiisii idlaadey Xasan SHeekh Maxamuud ayaa waxa uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulayaa sidii uu ku heli lahaa dhaqaale uu doorashadaku maareeyo,waxaana illo xog ogaal ahi sheegeen in Lacagta uu hada heysto dhantahey 10,000,000 kaliya.
Sida la xaqiijiyey Musharax Xasan waxa uu lacag ka waayey Dalka Sucuudiga oo iyagu dagaal kula jira Xuutiyiinta YEMEN halka dawladda Imaaraadkuna ay aad uga soo horjeedo in Xasan mar kale soo noqdo,waxa uuna bedeley siyaasadiisii gacan saarka la laheyd Jaamacadda Carabta iyo Bariga dhexe.
Dawladda YUHUUDA oo Xasan xiriir qarsoodi ahi ka dhaxeeyey ayaa aragtey in maanta uu u baahanyahey waxaana ay ku wada hadleen telephone madax sar sare oo dalkaasi Iraa’iil ka tirsan iyadoo loo soo direy RW ku xigeenka dalka JORDAN kaas oo soo gaarsiiyey dhambaal iyo sida dawladda dalka Israa’iil wax ula qabaneyso maadaama ay Carabi meel cidla ah dhigtey.
Xasan SHeekh ayaa kol hore la yeeshey kula qarsoodi ah qaar ka tirsan madaxda dalka Isra’iil isagoo u marey dalkan ay aadka isu fahamsayihiin dawladaha Bariga dhexe ee JORDAN waxaana cad in hadda ay Isr’iil kusoo biirtey dawladaha faragelinta ku haya Soomaaliya,waxaanan idiin oo gudbin doonaa Xogta warkan iyo sida hadba wax noqdaan.
WQ Maxamuud Maxamed Daahir Carab









