Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) ayaa beeniyay wararka sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku dileen askar Uganda ah oo qeyb ka ahaa kolonyo ciidan oo ka baxaysay Soomaaliya, iyagoo wararkaas ku tilmaamay dacaayad ay kooxdaasi faafisay.
Taliska ciidamada Uganda ayaa sheegay in aysan jirin wax xaqiiqo ah oo taageeraya sheegashada ah in askar ka tirsan ciidamadooda lagu dilay weerar ka dhacay Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay Al-Shabaab inay baraha bulshada u adeegsanayso faafinta warar marin-habaabin ah oo la xiriira xaaladda amni ee dalka.
Wararka la beeniyay ayaa sheegayay in kolonyo ciidamada Uganda ah oo ka baxaysay gobolka Shabeellaha Hoose lagu weeraray jidka, halkaas oo lagu dilay tiro askar ah oo lagu qiyaasay 10 ilaa 11 askari. Dowladda Uganda ayaa sheegtay in sheegashadaasi tahay mid aan sal lahayn.
Beeninta UPDF ayaa imaanaysa xilli Al-Shabaab ay horey u sheegatay inay weerartay gaadiid ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo ka baxay saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Uganda ay billowday qorshe ay ciidamadeeda uga saarayso Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qeyb ka ahayd howlgalada nabad-ilaalinta iyo taageerada ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ka bixitaanka ciidamada Uganda ayaa dhaliyay walaac ku saabsan mustaqbalka amniga gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaannada ku dhow Muqdisho, iyadoo saraakiil Soomaali ah ay ka digeen in isbeddelka ciidamada uu abuuri karo firaaq amni haddii aan si habboon loo maareyn wareejinta saldhigyada.
Uganda ayaa ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007, xilligii howlgalka AMISOM, waxayna door weyn ku lahayd dagaalladii lagula jiray Al-Shabaab iyo sugidda amniga xarumaha muhiimka ah ee dowladda.





