Maydka wiil Somali ah oo lagu magacaabo Faysal Bashiir Xiis Khalaf ayaa laga helay guriga uu ka daganaa magaalada Toronto ,isaga oo ay ku yalaan dhaawacyo ,waana dilkii Afaraad oo ka dhaca gudaha Canada muddo tobaad-yo ah.
Dhismaha 2067 oo ka tirsan xaafad-da Isliton ee magaalada Toronto ayaa ah goobta uu dilkani ka dhacay ,waxaana ka horeeyay dil loo adeegsaday Rasaas oo loo gaystay wiil isna Somali ah oo lagu magacaabi Jiray Yuuusuf Xaaji , kaasi oo isna lagu dilay isla Bariga magaalada Toronto.
Booliska Magaalada ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan-no ku aadan dilkan ,isla markaana ay waqti dhow warbixin ka soo saari doonaan dilkan ,xilli uu jiro kala qaybsanaan Dhanka fikirka ah oo u dhaxeeya Somalida degan dalkaas.
“Sanadkan 2016- ,waxaan dhihi karnaa waa qofkii 8-aad ama sagaalaad oo lagu duugayo halkan , waa arin runtii musiibo ah oo ku habsatay bulashadeena” ayuu yiri Shiekh Abuukar Sheikh Xuseen oo ah imaamka Masjidka Khalid Ibnu Waliid oo kuyaala galbeedka magaalada Toronto.
“Arinkan ka bulsho ahaan waxaa looga bixi karaa inaan isku imaano oo aan meel uga soo wada jeesano arinkan soo noq-noqday, xal-na ka gaarno sidii looga bixi lahaa. Meeshaan umaynaan imaan in aan caruuteen-na ku duugno ee waxaan u nimid nolol iyo waxyaabo kale “ ayuu mar kale yiri Sheikh Abukar.
Waxaa Imaamka uu sheegay in booliska aysan wax-ba ka qabin karin arintan hadii aysan la shaqayn bulshadu ,isaga oo tilmaamay in tirada dhimashada arintan ay ka sii badan karto hadii bulshada Somalida ah aysan ka midoobin tafaraaruqa ka dhex-jira.
Ugu danbayn, dilkan loo gaystay labadan wiil ee Somalida ah ayaa imaanayaa ,iyadoo todobaadkii hore magaalada Ottowa lagu dilay laba gabdhood oo walaalo ahaa ,kuwaasi oo dilkooda loo xiray walaalkood.
warsom2011@gmail.com