Monday, August 10, 2026
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Galabta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo fariisin muhiim ah u aheyd Al-shabaab. Dagaal culus ayaa la sheegay iney ciidamada iskaashanaya kula wareegeen deegaanka Wabxo, kadib afar jiho ah oo ay ka galeen ciidanka deegaanka Wabxo,...
 Shirkii heerka Wasiir ee Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada heer Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada Dalka oo Muqdisho saddex maalin ka socday ayaa la soo gabagabeeyay , waxaa laga soo saaray warmurtiyeed. Qodobbada warmurtiyeedka waxaa ka mid ah, In la mideeyo siyaasadaha lagu maamullo Gaadiidka dhulka iyo Cirka. In la sameeyo qorshe...
Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta Maleeshiyo beeleed hubeysan ay la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha magaaladaasi. Ciidanka Maleeshiyo beeleedka la wareegay garoonka degmada Caabidwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa wata hub iyo gaadiid dagaal, kuwaas oo maanta hakad galiyay howlahii duulimaadyada garoonka diyaaradaha...
Ururka Alshabaab ayaa siidaayay sawirro iyo macluumaad ku saabsan weerarkii ay shalay subax ku qaadeen saldhig ciidamada Galmudug ku leeyihiin deegaanka Qaayib. Warbaahinta faafisa wararka Alshabaab ayaa lagu faafiyay maydadka askarta katirsan ciidamada maaulka Galmudug iyo kuwo mucaawisleyda, kadib markii shalay ay kusoo qaadeen weerar ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah. Alshabaab...
Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo saakay aroortii ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Shilkaan ayaa yimid kadib markii gaari dhayne ah oo sida siday shaqaale xoogsato oo ka yimid xeryaha barakacayaasha ee duleedka bari ee magaalada Garowe uu rogmaday. Dad goob joogayaal ah ayaa WARSOM...
Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa sheegtay in mid ka mid ah xarumihii ay ku shaqeyn jirtay iyo taawar isgaarsiineed uu ku burburay Qarax ka dhacay deegaanka Qaayib oo ka tirsan maamulka Galmudug. Shirkadda ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu burburiyay xarunta iyo taawarka,...
Dr. Maxamed Axmed Sheekh (Doodishe) wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  maanta kulan la qaatay hogaanka ATMIS. Kulankan oo ay kaga wada hadaleen hawlgallada ka-hortagga iyo ka-jawaabista falalka argagaxisadu ku beegsanayso hay’addaha dowladda, shacabka iyo hantidoodaba. Waxaan sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray wadashaqaynta Hay’addaha amniga, ATMIS iyo casharadda...
War saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya howlgalo qorsheysan oo ay ka sameyeen deegaanka Galka Saalimoow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab. Howlagalka ciidanka NISA ay ka sameeyeen deegaanka Galka Saalimoow ayaa la sheegay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanada Dhoqor iyo Baareey oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne ilaa 27 KM, waxaana dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay weerar ku...
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay markii ugu horraysay ku guulaysatay inay xanibto akoono maaliyaddeed oo Alshabaab ku lahaayeen xawaaladaha iyo bangiyada dalka. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in akoonada dowladdu ay xanibtay ay dhaqaale badan ugu dhex jireen...