Shir ay Lahaayeen Wasaaradaha M/goboleedyada iyo Wasaaradda Duulista hawada oo War Murtiyeed Laga Soo Saarey.

0
600

 Shirkii heerka Wasiir ee Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada heer Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada Dalka oo Muqdisho saddex maalin ka socday ayaa la soo gabagabeeyay , waxaa laga soo saaray warmurtiyeed.

Qodobbada warmurtiyeedka waxaa ka mid ah, In la mideeyo siyaasadaha lagu maamullo Gaadiidka dhulka iyo Cirka. In la sameeyo qorshe mideysan ee sharciyada Gaadiidka, si loo ilaaliyo amniga Dalka, loona fududeeyo isku-socodka. In miisaaniyad gaar ah loo sameeyo horumarinta garoommada Dalka.
Akhriso warmurtiyeedka:-