La-taliyaha Dhanka Amniga Qaranka oo Sheegay in aan Soomaaliya loo Adeegsan karin Dagaalada Yemen iyo Sudan.

0
9

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay oggolaan doonin in dhulkeeda, dekedaheeda iyo hawadeeda loo adeegsado hurinta colaadaha ka jira Yemen, Suudaan iyo dalal kale, xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Imaaraadka Carabta.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in walaaca dowladda Soomaaliya uu salka ku hayo ilaalinta madax-bannaanida dalka, midnimada dhuleed, hufnaanta hay’adaha dowladda iyo amniga qaranka.

Qoraal uu ku baahiyay barta X ayuu ku adkeeyay in xiriirka labada dal lagu saleeyo is-ixtiraam, sinnaanta dowladaha iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha, isaga oo xusay in tabashooyinka Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadallo diblomaasiyadeed, kuwo amni iyo hannaan sharci, halkii lagu tilmaami lahaa khilaafyo siyaasadeed oo gudaha ah.

Hadalkan ayaa jawaab u ahaa bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta oo cambaareysay go’aanka dowladda Soomaaliya ay dalka uga eriday safiirkii Imaaraadka, isla markaana ay dib ugu yeertay safiirkeedii ka joogay Abu Dhabi.

Imaaraadka ayaa tallaabada Muqdisho ku tilmaamay mid sii hurinaysa xiisadda, isla markaana dhaawacaysa xiriirka labada dal iyo saldhigyada iskaashigooda. Waxa kale oo ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha kusoo dhex daray xiriirka labada dal, arrintaas oo ay sheegtay inay waxyeello u geysan karto danaha labada shacab.

Xiisadda diblomaasiyadeed ayaa sii xoogaysatay kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu Talaadadii ku eedeeyay Imaaraadka inuu saldhigyo milatari ka sameystay qaybo ka mid ah Soomaaliya, isla markaana uu ciidamo ka hawlgeliyay dalka iyaga oo aan ku shaqaynayn nidaamka amniga qaranka, isla markaana aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka.

Khamiistii, dowladda Soomaaliya ayaa amartay in safiirka Imaaraadka uu dalka ka baxo, iyadoo sidoo kale dib ugu yeertay safiirkeedii ka joogay Abu Dhabi.

Tallaabooyinkan ayaa yimid kaddib markii horaantii sanadkan Muqdisho ay burisay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka, isla markaana ay hawadeeda ka xirtay diyaaradaha milatariga iyo kuwa xamuulka ee Imaaraadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar kala duwan sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xiriir la yeelato Imaaraadka, balse uu ku dhisnaado sinnaanta, is-ixtiraamka iyo dhowrista madax-bannaanida labada dal.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa sannadihii lasoo dhaafay soo maray marxalado iska horimaad iyo dib-u-heshiisiin isugu jira. Xiisadaha ayaa si gaar ah u xoogaystay tan iyo bishii Janaayo, iyadoo Muqdisho ay Abu Dhabi ku eedaysay faragelin ay ku hayso arrimaheeda gudaha.

Khilaafkan ma aha kii ugu horreeyay ee labada dhinac dhex mara. Sannadkii 2018-kii, Imaaraadka ayaa cambaareeyay tallaabo ay Soomaaliya kula wareegtay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo laga helay diyaarad Imaaraadku leeyahay oo soo caga-dhigatay garoonka Muqdisho. Abu Dhabi ayaa xilligaas sheegtay in lacagtaasi loogu talagalay taageerada ciidamada Soomaaliya iyo tababarka askarta.

Dhacdadaas kaddib, Imaaraadku wuxuu soo afjaray howlgalkii tababarka milatari ee uu ka waday Soomaaliya, isaga oo sidoo kale diiday eedeymaha Muqdisho ee ahaa inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha dalka.