Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo saakay aroortii ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii gaari dhayne ah oo sida siday shaqaale xoogsato oo ka yimid xeryaha barakacayaasha ee duleedka bari ee magaalada Garowe uu rogmaday.
Dad goob joogayaal ah ayaa WARSOM u sheegay in gaariga oo isku dayay inuu meel dalcad ah laamiga kasoo fuulo uu si lama filaan u rogmaday.
Dadka dhaawacmay oo ay ku jiraan kuwo dhaawacoodu culus yahay, ayaa lasoo sheegayaa in la dhigay isbitaalka guud ee Garowe, halkaas oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo.
Lama sheegin wax dhimasho ah.
Waa shilkii ugu badnaa ee ay dad intaaas le’eg ku dhaawacmaan muddooyinkan dambe.