Lix Markab Dagaal oo Dawladda Turkigu u Soo Dirtay Xeebaha Soomaaliya Si ay u Ilaaliyaan Hawlgalka Shidaal Qodista.

0
5

Dowladda Turkiga ayaa lix markab oo kuwa milatariga ah u xilsaartay ilaalinta howlgalka shidaal-baarista ee ka socda xeebaha Soomaaliya, iyadoo maraakiibtu ay galbiyaan markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey iyo saddex markab oo taageero ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan ciidamada badda ee dalkaasi ay sii wadaan howlaha galbinta iyo ilaalinta maraakiibta, kuwaas oo ka hawlgala biyaha Soomaaliya.

Maraakiibta dagaalka ee loo xilsaaray howlgalka ayaa kala ah TCG Göksu, TCG Gelibolu, TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım, waxaana la socda markabka shidaalka qaada ee TCG Yüzbaşı Güngör Durmuş iyo markabka ilaalada xeebaha ee TCG Bartın.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, maraakiibtan ayaa ilaalinaya markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey iyo maraakiibta taageerada ee Korkut, Altan iyo Sancar, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka shidaal-baarista Soomaaliya.

Markabka Çağrı Bey ayaa Soomaaliya soo gaaray bishii Abriil ee sanadkan, isagoo halkaasi ka bilaabay howlaha sahaminta iyo qodista shidaalka, kaddib markii markabka cilmi-baarista dhulka badda ee Oruç Reis uu daraasado seismic ah ka sameeyay xeebaha dalka.

Markabkan oo dhererkiisu yahay 228 mitir, ballaciisuna yahay 42 mitir, ayaa awood u leh inuu qodista shidaalka ka fuliyo meelo gaari kara ilaa 12,000 oo mitir, sida lagu sheegay warbixinta Wakaaladda Wararka Anadolu.

Tallaabadan ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga milatari iyo kan tamareed ee Soomaaliya iyo Türkiye, iyadoo ilaalinta howlgalka shidaal-baaristu ay noqotay qayb muhiim ah oo ka mid ah wada-shaqaynta labada dal.