Monday, August 10, 2026
Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo agaasimaha sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Itoobiya (NISS) Temesgen Tiruneh Dinku ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn...
Wasiirka caafimaadka xukuumada Soomaaliya, Dr Cali Xaaji ayaa sheegay in maanta 9 kamid ah dhaawacyadii Qaraxii Soobe loo qaaday dalka Imaraatka Carabta, si xaaladdooda caafimaad loogusoo dabiibo. Wasiirka caafimaadka oo ka qeyb galayay barnaamijka todobaadka ee warbaahinta dowladda, ayaa ka sheegay in guddiga gurmadka qof kaste oo kamid ah dhaawacyada...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo shalay gaaray dalka Erirea ayaa maanta kulan laleh madaxweynaha dalkaas, Isaias Afwerki, si ay uga wada hadlaan dib usoo celinta ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka ku qaatay dalka Eritrea, kuwaas oo muddo ka aan ka yarayn saddex sano ku xanniban dalkaas. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kadib...
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay fashilisay qorshe Al-Shabaab ay ku doonayso in ay Itoobiya uga dhigaan goob argagixiso. Sida uu sheegay Abebe Semagn, oo ah sarkaal katirsan Itoobiya, in ka badan 100 dhallinyaro ah oo isku dayay inay dalkaas ka dhoofaan, kuna biiraan Al-shabaab ayaa ciidanka Itoobiya xabsiga u taxaabeen. Al-Shabaab...
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa si nabad ah gacanta ugu dhigay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo ka badan 15 sano ay Alshabaab maamulayeen. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Gen, Cabullaahi Cali Caanood, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamadu xalay magaalada Wabxo gudaheeda iyo bannaankeeda ka...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay wadanka Masar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Ireland Simon Coveney. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadlay Wasiir Simon Coveney xoojinta xiriirka Labada dal, iyadoo Jamhuuriyadda Ireland ay safka hore kaga jirto dowladihii ugu horreeyey ee hoggaankoodu ay Soomaaliya...
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan xiriirkooda, kaddib wadahadal Jabuuti ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo dhiggiisa Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed. RW Xamza ayaa shalay booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku tagay dalka Jabuuti, ka dib casuumaad uu ka...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo wasiiru dowlaha Wasaaradaas Ilyaas Cali Xasan ayaa Maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee dhanka gargaarka iyo Bani'aadanimada Adam Abdelmoula. Kulanka...
Gudoomiyihii xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI ee degmada Sheekh iyo wariyihii muuqbaahiyaha CBA ee degmada, ayay ciidamada amaanku xabsiga dhigeen. Guddoomiye Maxamed Maxamuud Yuusuf, oo ku howlana qaban qaabinta soo dhawaynta madaxda sare ee xisbiga WADDANI oo dhawaan soo gaadhi doona degmada iyo wariyaha CBA ee degamada oo baahinayay wararka...
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyay bayaankii ay waddamada Somaliland ka taageera doorashooyinku kaga hadleen kulan ay la yeesheen madaxweynaha Somaliland 8 bishan. "Waanu soo dhawaynaynaa bayaankii ay sida wada-jirka ah ay usoo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland, waxaana nu uga mahadcelinaynaa taageeradooda hagarla'aanta ah ee ay...