Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuuusf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ciidamada sirdoonka ay la wareegeen shan guri oo u kiraysnaa shabakad katirsan kooxda Alshabaab.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guryahan lagasoo saaray hub nuucyadiisa kala duwan leh. Sidoo kale wuxuu sheegay inay Alshabaab u adeegsan jireen qaab...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta magacaabay guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga.
Guddigaan uu magacaabay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay iney ka shaqeyn doonaan xiriirka iskaashi iyo saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxaana guddigaan uu ka kooban yahay 15 xubnood...
Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku riday Taliye Urur ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo la sheegay inuu ka dambeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.
Dhame Shariif Maxamed Barkhadle ayaa...
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney ku bixineyso xogta iyo madaxa Maxamuud Cabdi Aadan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab lacag dhan $10 Milyan oo doolar.
Maxamuud Cabdi Aadan ayaa ku eedeysan inuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Hotel Dusit D2 oo ku yaala...
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa ka qaxay qalalaasaha maalmihii ugu danbeeyay magaalada ka socday.
Sida BBC Somali sheegtay dad aan tirradooda la sheegin ayaa ka baxay magaalada Laascaanood, kadib mudaharaadadii iyo isku dhacyadii ciidamada iyo shacabka ee halka ka socday maalmihii lasoo dhaafay.
Mid kamid ah dadka...
Ciidanka Booliska Saldhigga Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa qabtay 3-daan nin oo la sheegay inay ka kamid ahaayeen ciyaal-weerada dadka shacabka ah dila, kuwaas oo dhaawac u geystay ruux muwaadin ah, kadibna ka dhacay dhamaan waxyaabihii uu watay.
"Ciidanka Booliska deegaanka Ceelasha ayaa Dhamaantood kusoo xiray Saldhigga Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana...
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo katirsan Alshabaab, kuwaas oo ka dambeeyay dilka nabadoon Cabdiqani Xasan Walloore, kaasoo bishii June ee sanadkan lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Abuukar Cabdi Cabdiraxmaan (Goobe) iyo Salaad Maxamed Cabdi ayaa xukunkaan lagu riday, kaddib markii ay qirteen inay iyagu...
Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu gacanta ciidanka ku jiro, waxaanu beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay Laascaanood soo galeen.
Taani oo ka hadlayay madal ay kula sugnaayeen saraakiil sar sare oo ciidamada ka tirsan, ayaa sheegay in nabadgalyada gobolka Sool...
Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaaaadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in degmooyinka gobolka Banaadir ay ka bilaaban doonaan howlgalo lagu baarayo guryaha oo lagu raadinaayo xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ku dhex dhuumanaya magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay...
Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xoojinaya xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan ee iskaashiga, sida uu sheegay xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya Maxamed Cumar Yariisow.
Xoghaye Maxamed Cumar Yariisow oo wareysi gaar ah siiyay ENA ayaa sheegay in xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uusan ahayn oo kaliya in ay...


















