Dr. Maxamed Axmed Sheekh (Doodishe) wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay hogaanka ATMIS.
Kulankan oo ay kaga wada hadaleen hawlgallada ka-hortagga iyo ka-jawaabista falalka argagaxisadu ku beegsanayso hay’addaha dowladda, shacabka iyo hantidoodaba.
Waxaan sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray wadashaqaynta Hay’addaha amniga, ATMIS iyo casharadda laga baran karo dhacdooyinka lagu xasilinayo Amniga Caasimadda Iyo guud ahaan dalka soomaaliya.