Tuesday, August 11, 2026
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo maamulka Koonfur Galbeed u ah Caasimad ku meel gaarka ah. Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Baydhabo ayaa la sheegaya inuu la xariiro furitaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya...
  DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYEED Puntland Government of Somalia 09 - January-2023 Go'aanka Dowladda Puntland ee geeddi socodka dowlad dhiska hannaanka Federaalka Soomaaliya. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay boggaadineysaa dadaalka 18 sano jirsaday ee dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana soo bilowday heshiiskii ka soo baxay Shirweynihii Mbagathi Kenya ee sanadkii 2004, kaas oo lagu aasaasay Dowladda Federaalka...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta magacaabay guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga. Guddigaan uu magacaabay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay iney ka shaqeyn doonaan xiriirka iskaashi iyo saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxaana guddigaan uu ka kooban yahay 15 xubnood...
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxamaan Yuusuf Alcadaala ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal qorsheysan oo uu sheegay in lagu dilay 61 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay beero ku yaala...
Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho kulan ay isku yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya. Shirkaan ayaa diirada lagu saarayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka, sharuudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuurta Dalka. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo...
Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayay gudaha Bangiga ganacsiga ee Itoobiya laantiisa Jigjiga oo ku taal badhtamaha magaalada Jigjiga. Sida dad goobjoogayaal ah u sheegeen Warbaahinta rasaasta ayaa ka billaabantay kaddib markii ay isku dhaceen gabadh bangiga usoo adeeg doonatay iyo...
Dowladda Ciraaq ayaa miiska saartay go’aan ay Soomaaliya kaga cafineyso deymaha lagu leeyahay Baqdaad, sida uu xaqiijiyay agaasimaha Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta Zayd Saban. Saban ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay ka heshay dowladda Ciraaq qoraal rasmi ah oo ay ku ogeysiineyso Jaamacadda Carabta in ay baabi’in...
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay waddo qorshe u eg in dalka mar labaad dib loogu celiyo nidaamka dowlad dhexe. Madaxweyne Deni ayaa sheegay labadii qodob ee uu dhawaan diiday inuu saxiixo, inay yihiin qodobo kasoo horjeeda nidaamka federalaynta dalka, islamarkaana u eg kuwo talada...
Mareykanka ayaa ugu deeqay qalab milatari oo ku kacaya 9 milyan oo dollar oo isugu jira hub, gaadiid, agab caafimaad iyo qalab kale oo loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Munaasabadda wareejinta qalabkan waxaa ka qeyb galay Safiirka Mareykanka Larry Andre, wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka XDS S/Guuto Odowaa Yuusuf...
Lataliyaha dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin mowqifka dowladda ee ku aadan dagaalkanka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin ayaa beeniyay in Al-shabaab ay dowladda kasoo codsatay wadahadal, waxaana xusid mudan in shalay uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku...