Dalalka Afrika ee Ugu Sareeya Soo Kabashada Amniga oo Soomaaliya Kaalinta koowaad ka Gashashay.

0
3

Hay’adda Global Safety Report oo daraasado ka samaysa xaaladaha amniga caalamka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay dhinaca amniga, iyadoo boqolkiiba 74% lagu qiimeeyay dareenka badbaadada muwaadiniinta.

Qiimeyntan ayaa lagu saleeyay sida ay dadku u dareemaan amnigooda nolol maalmeedka, gaar ahaan marka ay habeenkii safraan iyo marka ay u kala gooshaan deegaannada kala duwan ee dalka.

Natiijada Soomaaliya ayaa ka dhigaysa dalka ugu sarreeya soo kabashada amniga dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, iyadoo sidoo kale ka sarreysa celceliska caalamka oo ah 69%.

Warbixintu waxay xustay in Soomaaliya ay qiimeyntan kaga sarreysay dalal ay ka mid yihiin Ruushka oo helay 72%, Britain iyo Faransiiska oo min 71% helay, Hindiya oo iyaduna heshay 71%, iyo Australia oo heshay 64%. Shiinaha ayaa Soomaaliya kula sinnaa qiimeyntan oo ah 74%.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa heshay 75 dhibcood marka la eego tusmada Law and Order Index, oo lagu cabbiro kalsoonida shacabka ee booliska, dareenkooda amni iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin dembiyada. Dhibcahan ayaa shan dhibcood ka hooseeya celceliska caalamka oo ah 80.

Qiimeyntan ayaa muujinaysa in cabbirka xaaladda amniga uusan ku koobnayn oo keliya dagaallada iyo weerarrada, balse ay qayb muhiim ah ka tahay sida ay muwaadiniintu u arkaan badbaadadooda iyo xorriyadda ay u leeyihiin inay si ammaan ah ugu noolaadaan una safraan.