Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay dowladda Soomaliya diyaar u tahay inay Puntland gorgortan kala gasho arrimaha ay ka tabanayso dastuurka dalka iyo federalka.
Wasiir Fiqi oo maanta ka hadlayay shirka arrimaha garsoorka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wada hadalku noqdo albaab furan, si...
Odayaal reer Laascaanood ah ayaa xukuumada Somaliland kala hadlay kiiska nin shacab ah, oo dhawaan ciidamada millaterigu ku toogteen magaalada Laascaanood.
Waxa ay sheegeen in wasiirada ay odayaashu la kulmeen ay ugu tageen si ay ugala hadlaan, arrinta mid kamid ah shacabka magaalada oo maalmo ka hor ay ciidamadu toogteen...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in qorshaha dowladda Soomaaliya ee Dastuurka dalka kaga aadan inuu yahay in sanadkaan laga saarayo qabyada oo la dhameystiro.
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan sii shaqeyn karin hadaan la dhameystirin Dastuurka oo ah mid kala...
Ciidamada TPLF ayaa si rasmi ah u billaabay inay hubkii cuslaa ee ay haysteen ku wareejiyaan Ciidamada Qaranka ee Itoobiya, sida ku qeexnayd heshiiskii nabadeed ee ay wada gaareen iyaga iyo dowladda Itoobiya.
Sida laga soo xiganayo Warbaahinta gaarka u ah Ciidamada Qaranka Itoobiya, hub ka dhigista ayaa ka bilaabantay...
Wasiirka tacliinta sare ee dowladda Masar Ayman Ashour iyo dhiggiisa Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Qaahira ku kala saxiixday is-afgarad ku saabsan barnaamijka iskaashiga tacliinta sare ee 2023 ilaa 2026.
Is-afgaradka ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha waxbarashada sare ee Masar iyo Soomaaliya...
Safiirka Eritariya u jooga Ruushka Ambasador Petros Tsegay oo waraysi siiyay Warbaahinta Ruushka ee RIA ayaa sheegay in dowladda Itoobiya oo kaliya ay xaq u leedahay in Eritariya ay ka dalbato in ciidamada Eritariya ay ka baxaan dhulka Tigray.
Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in arrintu ay hortaallo...
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar, Sameh Shokry ayaa la kulmay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo isku xirka arrimaha danta labada dal.
Wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa booqanaya dalka Masar isagoo ka mid ah wafdi ka socda Soomaaliya oo uu...
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in aysan Puntland qaadan go’aan ay kaga go’ayso Soomaaliya inteeda kale.
Wasiirka oo maanta la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay qoraalkii kasoo baxay madaxtooyada Puntland inuu yahay mid lagu caddaynayo gorgortanka ay Puntland ka galayso qaddiyadaheeda dastuuriga ah.
Wasiir...
15 qof oo shacab ah oo kasoo jeeda beesha Xawaadle oo laga afduubay gobolka Hiiraan ayaa laga yaabaa inay colaad ka dhex abuurto beelaha Xawaale iyo Gaaljecel.
Ku dhawaad labo todobaad kahor, rag katirsan Alshabaab oo u dhashay beesha Gaaljecel, ayaa dad shacab ah oo safar ah oo kasoo jeeda...
Shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Soomaalida iyo Xafiiska Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida, ayaa waxaa lagaga hadlay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida iyo arrimo kale.
Haddaba Shirkan jaraa'id oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen Warbaahinta kala duwan ee degaanka ka...


















