“Ciidanka Nabadsugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ayaa Xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay beero kuyaala duuleedka deegaanka Xawaadley oo ay dhagar ku maleegayeen cadawga Khawaariijta ah, ciidanka oo xogta helay ayaa cagta mariyay kooxdii Khawarijta ee halka isku aruursaneysay 61 xubnood ayaa laga dilay waxaana jiro dhaawacyo farabadan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay howlgalkooda ku burburiyeen gaadiid qaraxyo waa weyn ay ka buuxaan oo ay kooxda ku diyaarineysay beeraha dhexdooda.
“Howlgalka ciidamada waxaa lagu burburiyay labo gaari oo ahaa nuucooda Homey iyo Noha ah oo ay ku xireen waxyaabaha qarxa kuwaas oo ay qorshaynayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayaa lagu burburiyay howlgalka, waxaana arintaasi dowladda kala qeyb qaatay shacabka mujaahidiinta ah ee ka barbar dagaalamaya ciidamada dowladda” ayuu yiri wasiir Alcadaala.