Cabashada Puntland ee La Xidhiidha Awood Qaybsiga Dawladda Federalka iyo Maamulkeeda oo Qoraal Lagu Soo Saarey.

0
506

 

DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYEED
Puntland Government of Somalia
09 – January-2023
Go’aanka Dowladda Puntland ee geeddi socodka dowlad dhiska
hannaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay boggaadineysaa dadaalka 18 sano jirsaday
ee dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana soo bilowday heshiiskii ka
soo baxay Shirweynihii Mbagathi Kenya ee sanadkii 2004, kaas oo lagu aasaasay
Dowladda Federaalka ah iyo Dastuurka kumeel gaarka ah ee lagu unkay hannaanka
federaalka ee Dalka.

Dowladda Puntland iyo Shacabkeeduba waxay hormuud ka noqdeen geeddi socodka dib
loogu hirgeliyey dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan.

1. Puntland waxay ciidan, dhaqaale iyo maskaxba ku bixisay in Dowladdii kumeel
gaarka ahayd ee Federaalka ay dib uga hawlgasho Caasimadda Soomaaliya 14
sano kadib markii Dowladdii dhexe meesha ka baxday 1990kii.

2. Waxay qayb ka qaadatay in la gaaro heshiisyo lagu hubinayo in Dowladda
Federaalka Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarnimada si dib u dhis loogu
sameeyo hay’adaha dowliga ah, loona hagaajiyo amniga iyo hannaanka
maamulka, isla markaasna kor loo qaado dhaqaalaha Dalka.

Tusaale; shirarkii
taariikhiga ahaa ee Garowe – 1, Garowe – 2 iyo Gaalkacyo.
3. Dowladda Puntland waxay sidoo kale qayb ka qaadataa wada xaajoodyada looga
arrinsanayo amniga guud ee Dalka, dhaqaalaha, horumarinta qawaaniinta ku
dhisan hannaanka federaalka ah ee Dalka sida dib u eegista Dastuurka kumeel
gaarka ah.

4. Dowladda Puntland waxay si hagar la’aan ah u siisaa taageero dhinacyo badan
leh dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda
Federaalka ah.

5. Puntland waxay qayb ka qaadataa doorashada hay’adaha Federaalka ah sida
Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo doorashada Madaxweynimada intaba.

lyadoo Dowladda iyo Shacabka Puntland ay sidaas mar walba diyaar ugu yihiin ka mid
ahaanshaha dadaalka dowlad dhiska Soomaaliya heerarkeeda Dowladda Federaalka ah
iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, waxaa Dowladda iyo Shacabka Puntlandba u caddaatay
Page 1 of 3 Text in geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya u baahan yahay in meesha laga saaro.

hagar daamada fashilin karta geeddi socodka, lana ixtiraamo qawaaniinta lagu heshiiyey,
gaar ahaan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya.

Si loo gaaro heshiisyo wadar oggol u ah arrimaha horutabinta u leh dhammeystirka
dhismaha hannaanka federaalka ah ee Dalka, Dowladda Puntland waxay u aragtaa in
ahmiyad la siiyo dhammeystirka qodobada soo socda:

1. In Dalka laga xoreeyo Argagixisada Al Shabaab iyo Daacish
2. In heshiis wadar oggol ah laga gaaro arrinta Somaliland
a) Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland
b) Dowladda Puntland iyo Somaliland
3. In heshiis siyaasadeed oo wadar oggol ah laga gaaro qorshaha dowlad dhiska
4. In heshiis loo dhan yahay laga gaaro Maqaamka Caasimadda Soomaaliya
5. In laga heshiiyo hab dhiska hannaanka federaalka ah si loo helo awood qaybsi ku
dhisan hab wadar oggol ah
6. Dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah, is waafajinta Dastuurka Federaalka
ah iyo kan Puntland iyo in Afti dadweyne oo loo dhan yahay loo qaado Dastuurka
Federaalka.

Haddaba, Dowladda Puntland, iyadoo illaalinaysa aayaha masiiriga ah ee Shacabka
Puntland, fulinaysana waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay ku wargelinaysaa
dhammaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowlaha Xubnaha ka
ah Dowladda Federaalka ah, Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo kuwa
Gobolka qodobada soo socda:

1. Inta laga dhammeystirayo qodobada horutabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya
ee kor ku xusan, Dowladda iyo Shacabka Puntland waxay fursad buuxda
siinayaan horumarinta danaha gudaha Puntland gaar ahaan xoojinta amniga,
daadajinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo dowlad wanaagga, horumarinta
dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah si loo hubiyo in qofkasta oo
Puntland ku nool uu heli karo amni sugan iyo adeeg bulsho.

2. Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad,
Dowladda Puntland waxay Dowladda Federaalka ah kala xaajoonaysaa
danaheeda inta laga gaarayo dhammeystirka hannaanka federaalka ee Dalka
“Awoodaha Dowladda Puntland ay ku wareejin doonto Dowladda
Federaallka ee Soomaaliya iyo xuquuqda ay yeelanayso Puntland waxay
ay ku imaanaysaa wada xaajood iyo heshiis dhex mara Dowladda
Federaalka ah iyo Dowladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka
Federaalka ah iyo kan Dowladda Puntland”.

3. Sida ku cad Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa
142-aad, farqaddiisa 1-aad, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo
qayb ka ah dowlad dhiska Dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan
fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah.

“illaa inta laga gaarayo goorta dhammaan dastuurada dowladaha xubnaha
ka ah Dowladda Federaalka la waafajinayo Dastuurka Dowladda
Federaalka, Maamulada jira ka hor inta aan la qaadan Dastuurkaan kumeel
gaarka ahi, waxay sii haysanayaan awoodaha dastuurkoodu siinayo”

Qodobka 142-aad farqaddiisa 1-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya
wuxuu waafaqsan yahay Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad,
farqaddiisa 3-aad kaas oo Dowladda Puntland siinaya xuquuqda in ay u dhaqanto
sidii Dowlad madax bannaan inta (si Puntland qayb ka tahay) loo dhammeystirayo
Dastuurka Federaalka ee kumeel gaarka ah.

“inta laga dhammeystirayo Dastuurka Federaal ah oo Puntland wax ka
ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel mariyey, Puntland waxay
lahaanaysaa awood dowlad madax bannaan”

Dowladda Puntland ee Soomaaliya, iyadoo illaalinaysa midnimada iyo Qaranimada
Soomaaliya, xoojinaysana doorkeeda dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya,
kana duulaysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka, waxay go’aan ku gaartay:

1. Si waafaqsan Dastuurka Federaalka qodobadiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad,
qodobka 53-aad, farqadihiisa 1, 2, & 3-aad iyo Dastuurka Dowladda Puntland
qodobka 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay
in ay si iyada gooni u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajooto
heshiisyada dowlad dhiska gaar ahaan tubta dhammeystirka Dastuurka
kumeel gaarka ah ee Federaalka, heshiisyada siyaasiga ah ee awood
qaybsiga, hab dhiska amniga, heshiisyada habka wadaagga khayraadka iyo
deeqaha caalamiga ah.

2. Inta laga dhammeystirayo wada xaajoodyada Dowladda Federaalka iyo
Dowladda Puntland ee arrimaha kor kuxusan, Wasaaradaha iyo hay’adaha
kale ee Dowladda Puntland waxay dhiggooda Dowladda Federaalka ah kaliya
kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa
bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax bannaanida awoodaha fulineed
ee hay’adaha Dowladda Puntland si waafaqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4-
aad, farqaddiisa 3-aad.

3. Si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka Federaalka Soomaaliya, qodobkiisa
51-aad, farqaddiisa 2-aad, xarfihiisa a, b & c, Dowladda Puntland waxay xiriir
walaaltinimo, daris wanaag iyo wada shaqeyn la yeelan kartaa Dowlaha
Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si laysaga kaashado
danaha ka dhexeeya.

4. Dowladda Puntland waxay daneeyayaasha Beesha Caalamka iyo Dowladaha
Gobolka uga mahad celinaysaa garab istaagga joogtada ah ee dhinacyada
amniga, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo la tacaalidda arrimaha
bini’aadantinimo.
-DHAMMAAD-