Monday, August 10, 2026
Koox Bastoolada ku hubeysan ayaa 2 nin ku dishay Isgoyska Fagax ee Muqdisho halka ay dhaawaceen 2 kale, waxaana la sheegayaa halka uu dilka ka dhacay in ay aheyd goob lagu iibiyo Maandooriyaha. Waa goobtii 2-aad oo 24 saac gudahood ay weeraraan koox Bastooladey ah islamarkaana ay dad ku dilaan....
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeyay in uu hor istaagay dhamaan talaabooyinkii nabad looga dhalin lahaa magaalada Laascaanood. "Waxan rabaa in aan halkan ka caddeeyo talaabo kasta oo nabadeed oo aanu qaadnay  in ay ka socon wayday dhinaca madaxweynaha" ayuu yidhi Khaliif. Waxa uu sheegay in...
Ciidanka Booliiska degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa xalay gacanta ku soo dhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo watay hub. War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in lasoo qabtay raggaan iyagoo moota Bajaaj ku watay Qori RBG ah, oo la sheegay...
Waxaa mar kale dib u soo laba kacleyay kiiskii Ikraan tahliil faarax oo aheyd sargaalad ka tirsan hay'adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya lana waayay mudda hada hada laga joogo labo sano waxaana soo shaac baxay arimo cusub ee la xariirka kiiska ikraan. Nabad sugida soomaaliya ayaa bilowgii sheegtay...
Xildhibaanada BFS ee Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ku dhawaaqay in ay yeelanayaan shir AAYO ka tashi ah, kadib markii ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka waayeen xuquuqdii ay ku lahaayeen. Hore waxaa sidaan oo kale shir u yeeshay Beelaha Xawaadle, Murusade iyo Gaaljecel, lkn kan ayaa ah kii...
Wararka Ka Imaanaya Taliska Ciidamada ATMIS ayaa waxaa lagu Soo Waramayaa in ay Sheegeen in ay Aad uga Xunyiyihiin Dhacdadii Diyaarad ku Burburtey Garoonka Balidoogle ee Gobolka Baay iyadoo Waxyeelo kasoo gaartey Qaar kamid ah Ciidamada Danab ee Dawladda Federalka Soomaaliya. Lama Sheegin Waxyaabaha Sababey Shilkaan Diyaaradeed ee kusoo beegmay...
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dhibaatada ka socota Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Wasiirka oo hadal ka jeedinayay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ku celiyey mowqifka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya...
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in Xalay ciidamada Somaliland ay dib uga ruqaansadeen inta badan goobahii lagu dagaalamayay ee magaalada Laascaanood. Goobaha lasoo warinaayo iney isaga baxeen ciidamada Somaliland ayaa waxaa ka mid ah guriga gobolka Sool oo la tilmaamay in aroornimadii hore ee...
Warar aan goordhaw helnay ayaa sheegaya in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay Duleeedka Xerada Ballidoogle ee gpbalka Shabeelaha Hoose. Sida aan wararka ku helnay waxey sheegayaan in diyaraad Helicopter ah la dhacday ciidamo ka tirsan DANAB iyagoo tababar uu socday. Mid kamid...
Millateriga Somaliland ayaa sheegay in xoogaga kula dagaalamaya magaalada Laascaanood ay soo weerareen ciidanka millateriga, lakiin uu ciidanku iska difaacay. Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka Somaliland ahna Af-hayeenka Ciidanka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xassan (Cabdi Dheere) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lasoo weeraray guutada 7aad ee ciidamada millateriga. "Saaka waxay soo qaadeen weerar,...