Ciidan katirsan Danab oo ku dhintay shil diyaaradeed xili ay ku wajahnaayeen…

0
422

Warar aan goordhaw helnay ayaa sheegaya in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay Duleeedka Xerada Ballidoogle ee gpbalka Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku helnay waxey sheegayaan in diyaraad Helicopter ah la dhacday ciidamo ka tirsan DANAB iyagoo tababar uu socday.

Mid kamid ah askata ku jirta xeradaasi oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in askarta Soomaalida ah ee la socday diyaaradda ay ahaayeen illaa sideed askari, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shilka ay ku galeen gobolka Sh/ Hoose.

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhintay shilkan, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo kamid ah ciidamada Danab ee ku jiray tababarka.

Sidoo kale waxaa diyaaradda saarnaa laba askari oo kasoo jeeda dalka Uganda iyo mid cadaan ah oo ahaa Pilot-ka diyaaradda shilka ku gashay xerada Ballidoogle.